Madaxweynaha Somaliland oo saaka u safray dalka Boqortooyada Qatar
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa saaka safar ugu baxay dalka Boqortooyada Qatar, waxaana uu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland ee dalkaas booqda. Ilaa hadda, madaxtooyada Somaliland kamay hadal safarkan, mana cadda ujeeddada rasmiga ah ee safarka, hase yeeshee waxa la filayaa inuu la xidhiidho arrimo dhaqaale, maadaama madaxweynuhu muddooyinkii u dambeeyay ka…