Headlines

WAR-SAXAAFADEEDMagacaabista Wakiilka Jaaliyadda Galmudug ee Waqooyiga Ameerika

WAR-SAXAAFADEED
Magacaabista Wakiilka Jaaliyadda Galmudug ee Waqooyiga Ameerika

Taariikh: 07/02/2025
Goobta: Minneapolis-USA

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si rasmi ah u magacaabay Mudane Muuse Ducaale Gulan (Garaad Cumar) inuu noqdo Wakiilka Jaaliyadda Galmudug State ee Waqooyiga Ameerika.

Magacaabistan ayaa ah mid ay ka dambeysay kalsooni buuxda oo uu muujiyay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), iyadoo ay sidoo kale taageereen Golaha Wasiirrada iyo Xildhibaanada Galmudug State.

Mudane Muuse Ducaale  Gulan ayaa sheegay:

โ€œWaxaa ii tahay sharaf weyn iyo kalsooni aan la koobi karin in la ii doorto xilkan. Waxaan u arkaa masuuliyad culus oo aan ku wajahayo daacadnimo, xilkasnimo iyo himilo mideysan. Waxaan u heellanahay in aan ka shaqeeyo horumarka, midnimada iyo wakiilnimada saxda ah ee Jaaliyadda Galmudug ee Waqooyiga Ameerika.โ€

Wakiilka cusub ayaa ballan qaaday inuu si dhow ula shaqeyn doono dhamaan qaybaha bulshada Galmudug ee gudaha Maraykanka iyo dibadda si loo gaaro yoolalka ay wada leeyihiin jaaliyadda iyo dowlad goboleedka.

DHAMMAAD

Faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:

Somali Media Today โ€“ Email kasialito@gmail.com/ +1 202-823-8372

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *