Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer ku tagay Markabka โ€œOruc Reis

Muqdisho, Juun 12, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Markabka โ€œOruc Reisโ€ oo ku howlanaa baarista Shidaalka dalkeenna, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka Shidaalkaa Xeebaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalladooda ku aaddan sahankan istiraatiijiga ah, isagoo muujiyey in natiijada baaristan ay wax weyn ka beddelayso xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee Labada dal.

โ€œTani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faaโ€™iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho. Dowladda iyo Shacabka Turkiga mar walba waxa ay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya la maalgashan karoโ€.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladda ee kobcinta dhaqaalaha dalka, iyada oo loo marayo ka faaโ€™iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodonka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaas oo dabooli kara duruufaha ka jira dalkeenna.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *