Hoggaamiyaha IAEA oo beeniyay hadalka Trump, kuna celiyay in aan wax caddayn ah loo haynin in Iran ay hub nukliyeer ah dhiseyso

Hoggaamiyaha IAEA oo beeniyay hadalka Trump, kuna celiyay in aan wax caddayn ah loo haynin in Iran ay hub nukliyeer ah dhiseyso

Qirasho muhiim ah oo ka hor imaaneysa sheegashooyinka maamulka Israa’iil iyo mas’uuliyiinta Mareykanka, madaxa Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada (IAEA), Rafael Grossi, ayaa xaqiijiyay in aan wax caddayn ah loo haynin in Iran ay wado barnaamij hub nukliyeer ah.

Isagoo la hadlayay weriyaha CNN Christiane Amanpour Talaadadii, Grossi wuxuu qirtay waxa Iran ay marar badan sheegtay isla markaana ay UN-ka iyo warbixinnada IAEA ay hore u xaqiijiyeen.

“Waxaan warbixintayadii ku sheegnay in aanu haysan wax caddeyn ah oo muujinaysa dadaal nidaamsan oo [Iran] ay ugu socoto dhanka hubka nukliyeerka,” ayuu yiri agaasimaha guud ee IAEA.

Wuxuu ku celiyay in natiijooyinka hay’adda ay la jaanqaadayaan ilo kale oo madax bannaan oo arrintan la xiriira.

Hadalkan wuxuu caddeyn dheeri ah u yahay mowqifka hay’adda Qaramada Midoobay ee nukliyeerka, kadib markii si xooggan loo dhaleeceeyay warbixinteedii saddex biloodle ahayd ee ugu dambeysay ee ku saabsan hawlaha nukliyeerka ee Iran, taasoo Iran ku tilmaantay “mid siyaasadeysan.”

Hadalka Grossi wuxuu yimid maalmo yar kadib markii Golaha Maamulayaasha ee IAEA ay ansixiyeen qaraar cambaareyn ah oo ka dhan ah Iran, iyagoo si been ah u eedeeyay in aysan u hoggaansamin waajibaadkeeda nukliyeerka. Mas’uuliyiinta Iran waxay ku adkeysanayaan in waajibaadyada ku qoran heshiiskii JCPOA aysan mar dambe waajib ku ahayn, maadaama dhinacyada kale — gaar ahaan Yurubiyaanku — aysan u hoggaansamin, waxayna Iran sheegtay in weli ay ilaalinayso ballanqaadyadeeda ku aaddan Heshiiska Ka-Hortagga Faafinta Hubka Nukliyeerka (NPT) iyo Heshiiska Ilaalinta IAEA ee la xiriira.

Si gaar ah, Iran waxay tahay dal saxiixay heshiiska NPT, halka maamulka Israa’iil uu diiday inuu saxiixo.

Mas’uuliyiinta Iran waxay mar kale ku adkeysteen in dalkaasi uusan raadineynin hub nukliyeer ah, iyagoo xusay fatwo diin ah oo uu bixiyay Hogaamiyaha Kacaanka Islaamiga ah, Ayatollah Seyyed Ali Khamenei.

Qirashada cusub ee Grossi ayaa timid xilli Mareykanka uu hanjabaad ku hayo inuu weerari doono xarumaha nukliyeerka Iran, iyadoo lagu jiro gardarrada maamulka Israa’iil ee ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa mar kale Talaadadii soo cusboonaysiiyay eedeymaha been-abuurka ah ee ah in Iran ay raadineyso hub nukliyeer ah.

Maamulka Israa’iil ayaa jimcihii hore weerarro si xad dhaaf ah ah ugu qaaday gudaha Iran, isagoo bartilmaameedsaday saraakiil sare oo ciidan, saynisyahanno nukliyeer ah iyo dad shacab ah.

Waxay sidoo kale si ula kac ah u beegsadeen xarunta nukliyeerka Natanz ee magaalada Isfahan ee bartamaha Iran, taasoo cambaareyn ballaaran ka dhalisay, iyadoo lagu tilmaamay ficil jebinaya dhammaan xeerarka caalamiga ah.

Jawaab ahaan, Iran waxay qaaday howlgal is-difaac ah oo la yiraahdo ‘True Promise III’. Ilaa hadda, 11 weji oo howlgalkaas ah ayaa si guul leh loo fuliyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *