
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimihii hore Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Taliska guud ee Hay’adda NISA ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyey Agaasimihii hore ee Hay’adda, doorkii uu ka qaatay horumarinta amniga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay Dowladda in la sii adkeeyo amniga, lagana hortago khatarta khawaarijtu ay ku hayaan nolasha iyo nafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Taliyaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad in uu sii amba-qaado howlgallada la dagaallanka argagixisada, xoojinta wadashaqeynta Hay’adda iyo laamaha kale ee amniga iyo kor u qaadidda xiriirka Hay’adda NISA iyo shacabka Soomaaliyeed, si looga hortago dhagarta argagixisada.
Munaasabaddii maanta ee xil-wareejinta ee ka ku qabsoontay Xarunta Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa ka qayb galay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Taliyaha Guud ee Booliska Soomaaliyeed Ganaraal Asad Cabdullaahi Cismaan iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga.
Mahad Salaad ayaa dib ugu soo laabtay Hay’adda NISA kadib sanad iyo bilooyin laga joogo markii uu xilkaasi ku wareejiyay Agaasimihii hore NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, waxaana horyaala arrimo badan oo dhanka sirdoonka quseeya oo ay ugu weyn tahay dagaalka ay Dowladda kula jirto Kooxda Al shabaab.