

MUQDISHO, Juun 12, 2025 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u joojisay howlaha madasha C6+ iyadoo ku dhawaaqday inay doonayso heshiisyo cusub oo wadashaqeyn ah oo lala yeesho saaxiibada caalamiga ah, sida ku cad warqad loo diray Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan.
Warqadda oo uu saxiixay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, Cali Cumar Balcad, ayaa lagu sheegay in madasha C6+ aanay hadda muhiim u ahayn Soomaaliya maadaama ay si weyn u soo hagaagtay hannaankeeda dowladnimo iyo awoodda hay’adaha dowladda.
Madasha C6+ oo la aas aasay sanadkii 2010-kii, ayaa ahayd hab lagu mideeyay taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya intii lagu jiray marxaladdii kala guurka.

“Maanta Soomaaliya waxay leedahay dowlad shaqaynaysa oo leh madax-bannaani buuxda,” ayuu yiri Wasiir Cali Cumar, isaga oo ku baaqay in laga guuro hababka gargaarka wadareed ee caalamiga ah loona gudbo wada-hadallo toos ah oo xushmad ku dhisan oo lala yeesho dowladaha kale.
Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo xiisad siyaasadeed ay ka dhex aloosan tahay dowladda dhexe iyo mucaaradka, iyadoo khilaaf xooggan uu ka taagan yahay qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo in lagu fuliyo doorashooyin muran badan dhaliyay.
Dowladda federaalka weli faahfaahin kama bixin nidaamka cusub ee lagu beddeli doono C6+, balse waxay sheegtay in iskaashiga caalamiga ah ee mustaqbalka uu noqon doono mid si buuxda u ixtiraama madax-bannaanida iyo horumarka ay gaartay Soomaaliya.
Weli lama helin wax jawaab ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ama xubnaha kale ee C6+.