
New York-Danjiraha Russia ee Qaramada Midoobay, Vasily Nebenzya, ayaa Golaha Ammaanka ugu sheegay in Mareykanku “markale, muujiyay sida uu ugu xiiso badan yahay in uu tixgelin la’aan u sameeyo mowqifka beesha caalamka” iyadoo ay ku weerareen xarumaha nukliyeerka ee Iran.
“Wuxuu diyaar u yahay in uu iska indha tiro dilalka kumanaanka reer falastiin oo u badan haweenka, caruurta iyo dadka waaweyn ee Falastiin, balse sidoo kale inuu khatar geliyo amniga iyo… nolol-wanaagga bini’aadamka guud ahaan.”
Wuxuu yiri in ficilada Mareykanku ee Iran ay fureen “sanduuqa Pandora” oo aan cidna ogeyn waxa masiibo cusub iyo xanuun ah ay keeni doonto.
Danjiraha Russia ee Qaramada Midoobay, Vasily Nebenzya, ayaa khudbad ka jeedinaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo uu socdo duullaanka Russia ee Ukraine, xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, Mareykanka.