Scott Colom: Taariikh cusub oo u soo hoyatay Mississippi iyo halgankii sinnaanta dadka Madow

Mississippi waa gobol taariikh dheer ku leh halgankii xuquuqda madaniga ah ee Maraykanka. Waa gobol ay tobannaan sano ka jireen sharciyadii midab takoorka ee Jim Crow, kuwaas oo dadka Madow ka hor istaagay inay si siman uga qaybqaataan siyaasadda, waxbarashada iyo nolosha bulshada.

Safarka siyaasadeed ee Scott Colom, oo ka soo bilaabmay xeer ilaaliyennimada degmada ilaa tartanka Aqalka Senate-ka Maraykanka, wuxuu xambaarsan yahay macne taariikheed oo ka weyn mustaqbalka siyaasadeed ee hal qof.

Guul siyaasadeed oo aan la filayn

11-kii Nofeembar 2026, Scott Colom oo 43 jir ah, kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa ku guuleystay doorashadii Aqalka Senate-ka Maraykanka ee gobolka Mississippi, isagoo ka adkaaday Senator Cindy Hyde-Smith oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Colom wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee Madow ah ee Mississippi u matala Aqalka Senate-ka tan iyo xilligii dib u dhiska Maraykanka ee Reconstruction. Sidoo kale, wuxuu noqday Dimuqraadigii ugu horreeyay ee gobolkaas loo doorto Senate-ka tan iyo 1982.

Guushan ayaa si weyn uga yaabisay siyaasiyiinta iyo dadka falanqeeya doorashooyinka Maraykanka. Mississippi muddo dheer ayay ahayd gobol ay Jamhuuriyiintu ku xooggan yihiin. Madaxweyne Donald Trump ayaa doorashadii 2024 gobolkaas kaga guuleystay farqi dhan ku dhowaad 23 dhibcood.

Scott Colom wuxuu ololihiisa xoogga saaray dhibaatooyinka dhaqaale ee qoysaska, sicirka maciishadda, adeegyada caafimaadka iyo badbaadinta isbitaallada ku yaalla deegaannada miyiga.

Wuxuu si toos ah ula kulmay shacabka, isagoo booqday xaafadaha iyo magaalooyinka gobolka. Wuxuu ku guuleystay inuu kasbado codbixiyeyaal badan oo doonayay isbeddel siyaasadeed

Si loo fahmo muhiimadda guusha Scott Colom, waxaa lagama maarmaan ah in dib loo xusuusto taariikhdii Mississippi ee sannadkii 1963.Medgar Evers wuxuu ahaa halgamaa u ololeeya xuquuqda madaniga ah ee dadka Madow, kana tirsanaa ururka NAACP. Wuxuu naftiisa u huray sidii loo soo afjari lahaa midab takoorka, loona xaqiijin lahaa sinnaanta iyo xaqa codbixinta dadka Madow.

Halkudheggii uu halgankiisu caanka ku ahaa wuxuu ahaa:

โ€œJim Crow Must Go.โ€

Macnaha halkudheggani wuxuu ahaa in meesha laga saaro nidaamkii sharciyada midab takoorka ee Jim Crow.

Habeenkii 12-kii Juun 1963, Medgar Evers ayaa ku soo laabtay gurigiisa oo ku yaallay magaalada Jackson, Mississippi. Markii uu gaarigiisa ka soo degay, wuxuu gacanta ku sitay funaanado ay ku qornayd โ€œJim Crow Must Go.โ€

Isagoo u socda gurigiisa, ayaa dhabarka laga toogtay. Waxaa dilay Byron De La Beckwith, oo ahaa nin aaminsanaa sarreynta dadka Caddaanka ah.

Medgar Evers wuxuu geeriyooday isagoo 37 jir ah. Xaaskiisa Myrlie iyo carruurtiisa ayaa goob joog u ahaa dhibaatadii ka dhalatay dilkaas.

Dilkiisu wuxuu gilgilay guud ahaan Maraykanka, wuxuuna sii xoojiyay halgankii xuquuqda madaniga ah. Halgankaas ayaa horseeday ansixinta sharciga xuquuqda madaniga ah ee 1964 iyo sharciga xaqa codbixinta ee 1965. 63 sano kadib: Taariikh cusub

Maanta, 63 sano kadib dilkii Medgar Evers, isla gobolkii uu naftiisa ugu waayay halganka sinnaanta ayaa doortay nin Madow ah oo u matalaya Aqalka Senate-ka Maraykanka.

Waa dhacdo mudan in taariikhda lagu xuso.

Scott Colom wuxuu raacay raadkii taariikhiga ahaa ee Hiram Revels iyo Blanche K. Bruce, oo Mississippi u matalay Senate-ka sannadihii 1870 iyo 1875.

In ka badan 150 sano kadib, Mississippi waxay mar kale dooratay Senator Madow ah.

Mississippi Today

Guusha Colom waxay xusuusinaysaa shacabka Maraykanka in xaqa codbixintu yahay tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda. Waxay sidoo kale muujinaysaa qiimaha nafhurkii jiilashii hore ee u dagaallamay sinnaanta, caddaaladda iyo ka qaybgalka siyaasadda.

Medgar Evers waxaa la dilay isagoo gacanta ku sita funaanado ay ku qornayd โ€œJim Crow Must Go.โ€ Maanta, Scott Colom wuxuu ku guuleystay kursi ka tirsan hay’adaha ugu awoodda badan dalka Maraykanka.

Guusha Scott Colom ma aha oo keliya guul uu gaaray siyaasi ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga. Waa guul taariikheed oo xusuusinaysa dadka Maraykanka nafhurkii halgamayaashii xuquuqda madaniga ah iyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta sinnaanta, caddaaladda iyo xaqa codbixinta.

Medgar Evers wuxuu u dhintay xaqa ay dadka Madow u leeyihiin inay si siman uga qaybqaataan siyaasadda dalkooda. Scott Colom wuxuu maanta ka mid yahay mirihii halgankaas.

Taariikh baa la sameeyay. Mississippi waxay u gudubtay bog cusub oo taariikhdeeda ah.

Ilaha warbixinta:

Qore : Dr. Abdikasim Ali, PhD,MHS,MLS( ASCP)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *