Moutons de Panurge” ama “Idaha Panurge” waxaa loola jeedaa dad si indho la’aan ah dadka kale u raaca, iyaga oo aan iyagu fikirin, su’aal gelin, ama go’aan madax bannaan qaadan.
Oraahdan Faransiiska ah waxay ka timid sheeko uu qoray François Rabelais qarnigii 16aad. Sheekada dhexdeeda, Panurge wuxuu iibsadaa hal ido ah, kadibna badda ayuu ku tuuraa. Idihii kale oo dhan ayaa si aan fikir lahayn uga daba boodaya badda, midba midka kale ayuu raacayaa. Ganacsadihii lahaa idaha ayaa isku daya inuu joojiyo, balse ugu dambayn isaga qudhiisa ayaa badda lagu jiidayaa.
Macnaha maanta:
Qofka loo yaqaan “Mouton de Panurge” waa qof dadka badan raaca isagoo aan isweydiin:
“Arrintani sax ma tahay?”
“Maxaan anigu aaminsanahay?”
“Maxay cawaaqibkeedu noqonayaan?”
“Ma qof walba ayaan raacayaa sababtoo ah dadka kale ayaa sidaas samaynaya?”
Tusaale ahaan, dadku waxay si indho la’aan ah u raaci karaan siyaasi, hoggaamiye, qabiil, fikrad, war baraha bulshada lagu faafiyey, ama dhaqan cusub iyaga oo aan xaqiiqada baarin.
Fariinta ugu weyn waa:
“Ha noqon idihii Panurge. Fikir ka hor intaadan dadka raacin.”
Ha noqon qof dadku meel kasta u jiidaan. Maskaxdaada adeegso, xaqiiqada baar, kadibna go’aankaaga qaado.”
Dr. Abdikasim Ali,PhD,MSHS,MLS(ASCP)
