Wakiillada Calaamka oo Muujiyay Aragtiyadooda Khilaafka Madaxda Somalia

Shirka Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Copenhagen ayaa lagu soo hadal qaaday khilaafka u dhexeeya madaxda Soomaaliya, iyadoo wakiillada beesha caalamka ay kusoo bandhigeen shirka aragtiyadooda ku aaddan khilaafka.

Ururka Midowga Afrika iyo urur-goboleedka Geeska Afrika ee IGAD ayaa soo jeediyay in khilaafka lagu xalliyo hab cadaaladeed dastuuri ah, loona ogolaado madaxda Somalia inay ku kala baxaan shuruucda u yaalla Somalia.

Midowga Afrika iyo IGAD oo ay u hadleen wasiirrada arrimaha dibadda Itoobiya & Kenya ayaa shirka ka sheegay inay kulan hordhac ah oo ay yeesheen intii uusan shirku furmin ay iskula garteen in xallinta khilaafka siyaasadeed ee Somalia loo daayo Soomaalida, laguna xalliyo sida ay qabaan shuruucda dalka u yaalla sida dastuurka.

Balse, wakiillo u hadlay ururka Midowga Yurub ayaa iyaguna arrintaas kasoo horjeestay iyagoo soo jeediyay in madaxda dowladda Somalia ay wada-shaqeeyaan si ujeeddooyinka la doonayo in Somalia la gaarsiiyo 2016-ka ay u suuro-galaan, iyadoo xusay inay fikirkaas ay la qabto dowladda Mareykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda UK oo isna u hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay inay EU-du ay ku talinayso in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul waasare C/weli Sh. Axmed ay sii wada-shaqeeyaan muddada u harsan dowladda, si loo xaqiijiyo in doorasho la gaarsiiyo dalka.

Kala aragti duwanaantan ayaa gellinkii dambe ee maanta saameyn xooggan ku yeelatay shirka, iyadoo dhinac walba uu ku adkeysanayo go’aankiisa, sida ay soo sheegayaan ilo wareedyo ku sugan xarunta uu shirku ka dhacayo ee Denmark.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo isaguna shir jaraa’id qabtay intii shirku socday ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya isaga iyo ra’iisul wasaarihiisa, isagoo sheegay in khilaafkaas la xallin doono, ayna tahay mid Soomaalida u taalla, balse caalamka looga baahan yahay oo keliya inay Soomaaliya caawiyaan.

Dhanka kale, xubnihii beesha caalamka ee shirka ka hadlay ayaa isku raacay in dowladda Somalia aysan qaban waxyaabihii laga filayay intii ay jirtay, iyagoo ka dalbaday dowladda inay waxqabad muuqda la timaaddo, dalkana ay gaarsiiso doorasho.

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Maman S. Sadikou oo hadal ka jeediyay shirka ayaa sheegay in dowladda Somalia ay ku fashilantay inay wax ka qabato howlaihii laga sugayay, balse ay iyagu diyaar u yihiin inay ka taageeraan dagaallada ay kula jirto Al-shabaab si dalka xasillooni loogu soo celiyo.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo isaguna hadal ka jeediyay shirka ayaa ergooyinkii Beesha Caalamka u sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad khatar ah ayna tahay in calaamku uu caawiyo, si Hiigsiga Cusub looga miro-dhaliyo.

Shirka Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya oo maanta furmay ayaa socon doona illaa berri oo Khamiis ah, iyadoo shirkan intiisa badan looga hadlayo amniga, dib u dhiska dalka iyo fulinta qorshaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya.

Source:Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

 

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *