
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay kulanka maalintii labaad ee Gogosha Wadatashiga Qaran oo ka socota magaalada Muqdisho, isagoo si qoto dheer uga hadlay siyaasadda guud ee Xukuumadda โDanQaranโ ee dhinacyada midnimada, amniga, doorashooyinka, dastuurka, dowlad-dhiska, iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
Raโiisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad xasaasi ah, loona baahan yahay midnimo qaran iyo wadajir bulsho si looga gudbo caqabadaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee horyaalla dalka.
โSoomaaliya waxay maraysaa xilligii loo guuri lahaa siyaasad ku dhisan mabaadiiโ, fursadna loo siin lahaa in muwaadinka Soomaaliyeed uu wax doorto oo la doorto,โ ayuu yiri Raโiisul Wasaaraha, isagoo xusay in gogosha wadatashiga ay tahay mid loo furay dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in ummadda Soomaaliyeed ay isku duubnaato si loo ciribtiro Alshabaab, loo hirgeliyo doorashooyin hufan, loona dhameystiro dastuur qaran oo mideeya ummadda.
โCaqabadaha naga horreeya ma fududa, howshana ma yara. Dhinac waxaan ka wajahaynaa cadow halis ku ah diinteenna, dhaqankeenna, dowladnimadeenna iyo jiritaankeena ummadeed,โ ayuu yiri, isagoo intaasi ku daray:
โDhinaca kale waxaan ku jirnaa dhisidda dowlad dimuqraadi ah oo leh dastuur dhammeystiran, iyo xaqiijinta midnimada iyo gobonnimada dalkeenna. Sidaas darteed, gacanna cadowgeenna ayaan kula dagaaleynaa, gacanna Qaranka ayaan ku dhisaynaa.โ
Shirka wadatashiga ayaa la filayaa in uu horseedo is-afgarad guud oo ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalka, iyadoo lagu wado in laga soo saaro war-murtiyeed rasmi ah maalmaha soo socda.