Ciidanka Kenya oo Duqeeyay Deegaanno ay ku Sugan yihiin Dad reer Miyi ah

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa la sheegay inay duqeymo xooggan ka geysteen deegaan ka tirsan degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan labada dal.

Sii hayaha xilka guddoomiyaha degmada Baladxaawo, Yuusuf Maxamed C/qaadir (Kaanti) oo wareysi siinayay VOA-da maanta ayaa sheegay in diyaaraha dagaalka Kenya ay duqeyn ka geysteen deegaanno ay dad reer miyi ah ku nool yihiin, kuwaasoo ka mid ah kuwa hoos-yimaada degmada Balad-xaawo.

“Dorraad, shalay iyo Maanta duqeyn ayay diyaaradaha dagaalka iyo ciidamada Kenya ku wadeen deegaanno ay ku nool yihiin dad reer miyi ah oo degmada hoos-yimaada, waxaana inta aan ogahay hal qof oo rayid ah, xoolo badanna way ku baaba’een,” ayuu Kaanti ku yiri wargeysiga.

Sidoo kale, Kaanti ayaa xusay in deegaan lagu magacaabo Gadoon-dhawe oo ka mid ah kuwa hoosyimaada degmada Balad-xaawo laga geysatay duqeymaha ugu xoogga badan, ayna weli ku socdaan. Isagoo xusay in deegaankaas ay ku nool yihiin dad reer miyi ah.

“Kenya madaafiic ayay ku garaacday deegaanno ka tirsan degmada Balad-xaawo, waxaana deegaannadaas ka mid ah; Gadoon-dhawe oo sida la filayo ay tumayaan inay ku sugan yihiin Al-shabaab, balse duqeymaha waxay ku yeesheen saameyn xooggan dadka reer miyiga ah,” ayuu Kaanti hadalkiisa ku daray.

Sii hayaha xilka guddoomiyaha degmada Balad-xaawo ayaa intaas ku daray in saaka madaafiicda goobta lagu garaacay deegaankaas, isagoo dowladda Kenya ka dalbaday inay dhowrto shacabka, wuxuuna xusay inay goobaha ay ku sugan yihiin dadka dhibaatada geystay ay garanayaan ayna tahay inay beegsadaan.

“Waxaan ka digayaa in dadka shacabka ah waxyeello loo geysto, Kenya way garanaysaa kuwa dhibaatada geystay, waana inay iyaga beegsadaan,” ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo sheegay in falkii lagu dilay 28-ka qof ee Kenya u dhashay ay ahayd mid aan wanaagsanayn diinta islaamku dhaqanka dadka Soomaaliyeedna aanay qabin.

Ugu dambeyn, mar la weydiiyay inay ciidamada AMISOM oo ay kuwa Kenya ku jiraan ay joogaan degmada Balad-xaawo iyo hareeraheeda, ayuu sheegay in ciidamada AMISOM aysan deegaankooda ku sugnayn, kuwa ugu dhowna ay ku sugan yihiin degmooyinka Luuq iyo Garbahaarey ee isla gobolka Gedo.

Hadalka mas’uulkan ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto uu sheegay inay duqeymo ku dileen in ka badan 100 ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab, inkastoo kooxdu ay sheegashadaas beenisay.

 

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *