Madaxweynayaasha Koofurgalbeed iyo Jubbaland oo kulan albaabada u xiran yihiin caawa ku leh Kismaayo

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in caawa kulan albaabada u xiran yihiin ay ku leeyihiin hogaamiyaasha maamulada Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Jubbaland Shiikh Axmed Madoobe.

Lama oga waxyaabaha ay ka wadahadlayaan labada hogaamiye iyadoo hore siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool ay doonayeen in la dhiso maamul ka dhexeeya Jubbooyinka iyo Bay iyo Bakool.

Shariif Xasan Shiikh Aadan madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya oo gaaray maanta magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku wehelinaya booqashadiisa xubno kamid ah golihiisa wasiirada oo uu dhowaan qaar ka mid ah magacaabay.

Warar hoose oo ay heleyso shabakada warbaahinta Jowhar.com ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu doonayo in dadka ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ee dega gobolada Jubbooyinka laga siiyo xilal maamulka Jubbaland.

Hase yeeshee maamulka Jubbaland ayaa durba gelinkii dambe ee maanta dadkii soo dhoweynayay wafdiga madax uga dhigay wasiirka Ganacsiga ee maamulkaasi oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle.

Booqashada uu ku tegey Madaxweyne Shariif Xasan magaalada Kismaayo ayaa ah tii ugu horeysay ee uu ku tago halkaas tan iyo markii loo doortay hogaanka maamulka Saddexda gobol ee Koofurta Soomaaliya.

 

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *