Tallaabooyinka ay tahay in loo maro dhammeystirka dastuurka kmg

Dr. Maxamud M. Culusow

DFS waxay aftuubtay (cayn rogtay) habka dhammeystirka dastuurka kmg oo aad uga duwan habraaca diyaarinta sharciyada. Dastuurka JFS wuxuu ahaa dastuur kmg ama qabyo ah ee loogu tala galay in muddo 4 sano ah ( 2012-2016) lagu dhammeystiro ( lagu qabyo tiro) ayadoo la raacayo hab si guud ugu tilmaaman dastuurka kmg dhexdiisa, isla markaana la ilaalinayob in dastuurku yahay heshiis ( sharci) muwaadinin Soomaaliyeed oo ugu dambeyn lagu ansixinayo afti dadweyne.

DFS, gaar ahaan Madaxweynaha JFS, wuxuu ku xadgudbay jujuubka meelmarinta & saxiixa 4 cutub oo ka mid ah dastuurka kmg bishii Maarso 2024 asagoo ka lahaa ujeedo gurracan oo ah sameyn sharciyo doorasho oo aan xalaal aheyn.

Dhamneystirka dastuurka kmg waa inuu maraa ugu yaraan 10 tallaabo oo kala horreeya:

 1.⁠ ⁠Magacaabisra guddi madaxbannaan oo aqoon fiican u leh qorista dastuur ( qodob 134 ( 3) )

 2.⁠ ⁠La tashi dadweyne iyo shirar aqoonyahanno takhasuusyo kala duwan leh sida sharciga, dhaqaalaha, maamulka, arrimaha bulshada, taarikhda, siyaasadda, amniga, iyo maamulka. Waa shaqo qaadan karta 4 bilood iyo ka badan;

 3.⁠ ⁠Diyaarin & shaacin qabyo qoraal guddiga diyaariyay ee ah dastuur dhammeystiran. Waa shaqo u baahan 3 bilood;

 4.⁠ ⁠Doodo dadweyne iyo aqoonyahanno ku saabsan qabyo qoraalka. Doodahaas waxay qaadanaya ugu yaraan 6 bilood;

 5.⁠ ⁠Soo diyaarin qabyo qoraal kama dambeys ah (final draft) ee loo gudbinayo Barlamaanka- Golaha Shacbiga & Aqalka oo mid walba gooni uga shaqeynaya. Guddiga wuxuu u baahnaanaya 2 ilaa 3 bilood.

 6.⁠ ⁠Qabashada dhegeysiyo ( hearings) guddiga dib u eegista dastuurka oo aqoonyahanno ka soo jeedinayaan talooyin farsamo ku ifinayaan qaybaha dastuurka ka kooban yahay. Talooyinka aqoonyahannada waxay waxtar weyn u leeyihiin fulinta & fasiraadda dastuurka ee Maxkamadaha. Waa shaqo qaadan karta 3 ilaa 4 bilood;

 7.⁠ ⁠Diyaarinta qabyo qoraalka guddiga dib u eegiska dastuurka kng, qaybo qoraalkaasoo loo gudbinayo Golaha Shacbiga iyo Aqalka Sare. Waa shaqo bil ama 2 bilood qaadabeysa;

 8.⁠ ⁠Dood qaadaneysa bil ama labo bilood ee xubnaha labada aqal ee barlamaanka uga baaran degayaan dastuurka ka hor ansixintiisa 2/3 ee labada Aqal.

 9.⁠ ⁠Hubinta in nuqullada la ansixiyay ee labo aqal ay 100% isku mid yihiin. Waa shaqo qaadan karta 1 qaadan karta.

10.⁠ ⁠Faafinta dastuurka kama dambeysta ah ee labada aqal absixiyeen ee Madaxtooyada JFS saxiixay oo ah dastuur kmg ilaa Shacabka Soomaaliyeed ku ansixinayo Afti guud.

Waxay aheyd xaaran, fadeexo taariikhi ah in Madaxweynaha JFS XSM saxiixo 4 cutub keli ah. Waxay kaloo aheyd ceeb in guddiga dib u eegista dastuurka inuu arrintaas taageray, kana gaabiyay gudashada xilkiisa xirfadeed – aqonnyahannimo, khibradeed, waayo aragnimo, karti heer sare ah – u leh dastuur qorista.

Dr. Maxamud M. Culusow

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *