Anigoo ku hadlaya magaca bulshada Soomaaliyeed, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dr. Aadan Cabdullaahi Aw Xasan oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi-bari Soomaaliya.

Dr. Aadan Cabdullaahi Aw Xasan,

Anigoo ku hadlaya magaca bulshada Soomaaliyeed, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dr. Aadan Cabdullaahi Aw Xasan oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi-bari Soomaaliya.

Doorashadaada waxay caddeyneysaa hoggaamintaada, xikmaddaada, iyo dadaalkaaga aad ugu adeegayso shacabka. Tallaabadani waa mid muhiim ah oo horumar ku ah dhismaha dowladnimada iyo xoojinta maamulka wanaagsan.

Waxaan kuu rajaynayaa guul iyo horumar xilka cusub ee laguu igmaday. Waxaan Alle ka baryayaa inuu kugu mannaysto xoog, aragti iyo cadaalad aad ku hogaamiso masuuliyadda culus ee lagu aaminay. Hoggaamintaada ha noqoto mid mideysa dadka, nabad iyo barwaaqo u horseeda bulshada.

Mar kale hambalyo ku saabsan guushaada qiimaha badan.

Midowga Jaaliyadaha soomaliyeed ee USA-USD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *