Fartaag: Waa In La Xisaabtamaa Kuwa Daadinaya Dhiigga Shacabka Jubaland

MUQDISHO, 25 Luulyo 2025 โ€” Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Madaxweyne Axmed Madoobe inuu hurinayo colaadda Gobolka Gedo, kadib dagaalkii ka dhacay magaalada Beled-Xaawo.

Weerarkan ayaa sababay khasaare nafeed oo gaaray muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana ujeeddadiisu tahay, sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda, inuu eedeysanuhu sii balaariyo dambiyada uu horay u galay, isla markaana uu sii kala fogeeyo shacabka reer Jubaland, gaar ahaan dadka Gobolka Gedo, oo uu muddo dheer ku hayay falal xadgudub ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka goโ€™an tahay in lala xisaabtamo dhammaan kuwa ku lug leh dambiyadaas, isagoo ugu horreeya eedeysane Axmed Madoobe iyo cid kasta oo gacan ka geysatay ficillada sharci-darrada ah.

โ€œWaxaan ugu baaqaynaa shacabka Jubaland, gaar ahaan reer Gedo, in ay si mid ah uga soo horjeestaan falalka eedeysanaha, una digtoonaadaan dadaallada uu ugu jiro inuu sii huriyo colaado iyo xadgudubyo cusub,โ€ ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Qaranka.

Wasaaradda Amniga oo kaashanaysa hayโ€™adaha garsoorka iyo kuwa amniga ayaa la socota dhammaan shaqsiyaadka ku lug leh daadinta dhiigga shacabka iyo ku xadgudubka xuquuqdooda, iyadoo ay jiraan dad horay loo diiwaangeliyay oo qeyb ka ah fal-dembiyeedyada socda.

Dowladda Federaalka oo gudaneysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah, waxay mar kale ku celisay in aysan marnaba ogolaan doonin in dambiilayaal ay fursad u helaan sii wadidda falalka gurracan, iyadoo la qaadi doono tallaabo sharci ah oo waafaqsan qawaaniinta dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *