Muqdisho – Magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga socota qabanqaabada xaflad weyn oo lagu shaacinayo Xisbiga XAQSOOR, xisbi siyaasadeed cusub oo ay si wadajir ah u aasaseen qurbojoogta Soomaaliyeed iyo Machadka Heritage Institute for Policy Studies. Xisbiga Xaqsoor waxaa lagu aasaasay himilo ah in dalka laga hirgeliyo siyaasad ku dhisan caddaalad, midnimo qaran, iyo hufnaan dowladeed.
Kadib saddex maalmood oo shir ah oo uu yeeshay Golaha Asaasayaasha Xisbiga Xaqsoor, waxaa maanta si aqlabiyad leh Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga Xaqsoor loogu doortay Mudane Abdirahman Yusuf Aynte (Abdi Aynte) – siyaasi caan ah, aqoonyahan iyo aasaasaha Heritage Institute, kana mid ahaa wasiiradii hore ee qorsheynta Soomaaliya.

In ka badan 80 xubnood oo kamid ah Golaha Asaasayaasha ayaa codkooda ku doortay Abdi Aynte, taasoo ka dhigan kalsooni weyn oo lagu qabo hoggaamintiisa iyo aragtidiisa ku wajahan isbeddel dhab ah oo siyaasadeed oo dalka laga hirgeliyo.
Waxaa la filayaa in maalinta Isniinta ah, 15ka July, 6:30 fiidnimo, ay ka dhacdo Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho munaasabaddii ugu weynayd ee rasmiga ah ee lagu shaacinayo Xisbiga Xaqsoor. Xafladdan ayaa lagu casuumay siyaasiyiin, aqoonyahanno, bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
