๐—–๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—บ๐—ผ ๐—•๐—ฒ๐—ฒ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ ๐—ž๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐˜€ ๐˜€๐—ถ ๐—”๐˜† ๐—จ๐—ด๐˜‚ ๐—•๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐——๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—”๐—น-๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ฏ๐—ถ๐˜…๐—ถ๐—ป ๐—™๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—พ๐—ฒ๐˜†๐—ป ๐—ฎ๐—ต

Ciidamo Beesha Habargidir Ka Socda oo Gaaray Maxaas si Ay Ugu Biiraan Dagaalka ka Dhanka ah Al-Shabaab

Warbixin Falanqeyn ah

Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa xalay iyo saaka martigelisay ciidamo badan oo kasoo jeeda beesha Habargidir, kuwaas oo ka kala yimid degmooyinka Guriceel iyo Matabaan ee gobollada Galgaduud iyo Hiiraan. Ciidamadan ayaa u yimid inay ka qeyb qaataan dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa sheegay in sababta ay Maxaas u yimaadeen ay tahay sidii ay u gudan lahaayeen “waajib qaran” isla markaana uga aargoosan lahaayeen “abaal hore” oo ay sheegeen in beesha Xawaadle u gashay sanadkii 2008-dii, xilligii laga xoreynayey Al-Shabaab magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

โ€œMaxaas waxaan u nimid inaan gudbo abaalkii Xawaadle uu inoo galay 2008-dii, xiligaas oo Guriceel iyo Dhuusamareeb laga xoreynayey Khawaarijta. Way nala dhinteen waagaas, anaguna diyaar ayaan u nahay inaan la dhimano. Waa waajib inaad la dhimato cidii mar hore kula dhimatay,โ€ ayuu yiri sarkaal ka mid ah ciidanka Habargidir.

Muuqaallo laga soo duubay gudaha Maxaas oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya kolonyo gaadiid dagaal ah oo magaalada si buuxda u galaya, iyadoo ay si diirran u soo dhaweynayaan dadka deegaanka.

Ciidamadan ayaa lagu wadaa inay si buuxda u xoojiyaan ciidamada dowladda iyo maleeshiyada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisley, kuwaasoo haatan ku jira abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaal culus oo lagu qaadi doono Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Suโ€™aasha La Isweydiinayo: Halkee Ayey Joogaan Ciidamadii Qaranka Soomaaliya?

Waxaa nasiib darro weyn ah in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu u muuqdo mid lagu halleeyay qabiil iyo abaabul beeleed, halkii ay ahayd in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) uu si buuxda uga muuqdo hoggaaminta howlgallada. Waa suโ€™aal taagan: aaway ciidamadii qaranka ee muddo dheer lagu maalgelinayey, kuwaas oo tababaro, mushaar, iyo qalab lagu bixiyey sanadihii lasoo dhaafay?

Waxaa dhab ah in malaayiin doolar lagu bixiyey dhismaha iyo tayaynta ciidamada Soomaaliya, iyadoo ay tababareen dalal badan oo shisheeye sida Turkiga, Eritrea, Uganda, iyo kuwa Midowga Yurub. Si kastaba ha ahaatee, marka qabiilo hubka qaataan si ay u difaacaan deegaannadooda, iyadoo aan muuqan awood ciidan qaran, taasi waa calaamad laga argagaxo oo tilmaamaysa fashilka qorshihii lagu dhisi lahaa ciidan qaran oo mideysan, karti leh, oo dalka u taagan.

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waa mid qaran, mana aha mid lagu kasban karo guul waarta iyadoo lagu tiirsan yahay qabaaโ€™il. Haddii dowladda federaalka Soomaaliya doonayso nabad waarta iyo kala dambeyn, waa in si dhab ah loo saaraa miiska suโ€™aasha ah: maxaa ku dhacay ciidamada qaranka? Maxaa xal u ah in lagu mideeyo dagaalka iyadoo laga fogaanayo qabyaalad iyo koox-kooxeysi?

Qore: Dr. Abdulkadir Ali , MS

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *