Headlines

Diyaarad Ciidan oo Ku Burburtay Garoonka Muqdisho [Fahfaahin]

 Diyaarad helicopter ah, oo ay lahaayeen ciidanka Midowga Afrika ayaa saakay ku burburtay dhanka bari ee garoonka caalamiga ah ee Aden Adde ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Maamulka Duulista Hawada Soomaaliya.

Diyaaradda oo ay la socdeen illaa 8 qof ayaa kasoo duushay saldhiga Ciidamada Mareykanka ee Beled-doogle, waxayna burburtay xili ay rabtay inay Garoonka Muqdisho kusoo degtay. Dab xoogan ayaa ka kacay diyaaradda oo saameyn ku yeeshay duulimaadka garoonka Aadan Cadde, iyadoo la weeciyay duulimaadyo gudaha iyo dibadda ah.

Lama oga inay dhinteen ama ay badbaadeen 8-da qof ee diyaaradda saarnaa, oo askar iyo duuliyaal isagu jiray.

Xerada Halane ayaa ah saldhig weyn oo hoy u ah diblomaasiyiin, ajaaniib, iyo saraakiil ciidan oo ka kala socda dalal ay kamid yihiin Mareykanka. Diyaaradda burburtay ayaa la sheegay in ay ku wajahneyd garoonka ciidanka cirka ee Baledogle, oo ku yaalla waqooyiga Muqdisho, islamarkaana ay maamulaan Ciidanka Cirka Mareykanka iyo howlgalka AUSSOM (Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya).

Diyaaradda ayaa xilligii shilka saarnaa ugu yaraan siddeed qof oo isugu jira rakaab iyo shaqaalaha diyaaradda, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Maamulka Duulista Hawada Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karin ciidamada ay diyaaraddani ka tirsanayd, mana cadda in dad ka tirsan ciidamada Mareykanka ay ku jiraan waxyeellada.

War-saxaafadeed horudhac ah oo uu soo saaray Maamulka Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegay in diyaaradda ay wadday ciidamo nabad-ilaalin ah oo ka tirsan AUSSOM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *