Israa’iil weerarada ay ku hayso xarumaha Nukliyeerka Iiraan waa ‘tusaale halis ah’: Ergayga Shiinaha ee Qaramada Midoobay: Fu Cong, oo ka hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay goor sii horreysay, ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay inay “joojiso xabadda sida ugu dhaqsaha badan” si looga hortago in xaaladdu ay faraha ka baxdo.
Cong wuxuu sheegay in weerarada Israa’iil ee ka dhanka ah xarumaha nukliyeerka Iiraan ay dhigeen “tusaale halis ah” oo keeni kara “cawaaqib xumo ba’an”.
Wuxuu intaas ku daray in arrinta nukliyeerka dib loogu celiyo “waddadii wadahadalka iyo gorgortanka”.
