Madaxweyne Xaaf oo Hoygiisa Gaalkacyo ku qaabilay Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Mudug

Mudugpost Siyaasadii Galmudug ayaa taala magaalada Gaalkacyo halkaas ooy gaareen siyaasiin ka soo jeeda Gobolka Mudug. Kulan si fiican looga soo shaqeeyay ayeey la leeyihiin Madaxweeyne Axmed Ducaale- Xaaf.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle (Xaaf) ayaa hooygiisa ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) waxaana wehliya xildhibaano ,odey dhaqameedyo , siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Xaqiisu maqan yahay ee Mudug, kana mid ah Gobollada ugu weyn Soomaaliya ,uguna Qeeyraadka badan.

Kulaankaas ayeey uga wada hadleen wafdiga iyo Madaxweynahu Xaalada Gobolka Mudug iyo tan Galmudug ee xaga siyasada .Waxeeyna ku amaaneen Madaxweynaha sida buuxda uu uga shaqeeyay amniga Gobolka Mudug iyo siduu u raadinayo karaamadii Gobolka mudug , iyo dhamaan deegaanka Galmudug.

Sidoo kale waxa ay kawada hadleen khilaafka iyo kala qaybsanaanta ka jira Maamulka Galmudug iyo sidii loo xalin lahaa arimaha jira.

“Libaax nin ganay iyo nin galladay kala og.”

Siyaasiintaan gaaray Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhex muuqday siyaasiin iskugu jira rag iyo dumar markii hore ka shaqeeyn jiray in Mudane Xaaf xilka laga tuuro balse hada u arka Mudane Xaaf in uu yahay rajada isku keeni karta Galmudug hal ah oo leh hal maamul iyo sidoo kale in uu yahay Xaaf shaqsiga kaliya ee maanta ka hadlaya karaamadii luntay ee Gobolka Mudug . Wixii Soo kordha kala Soco www.mudugpost.com — with Badbaado Qaran.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *