Faahfaahn dheeraad ah oo ka soo baxaysa qarax ka dhacay maanta magaalada Muqdisho

Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyooday tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen qarax is-miidaamin ahaa oo galabnimadii maanta ka dhacay agagaarka xerada Afasiyooni oo ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, qaraxan oo lala beegsaday ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Nooca gaariga is-miidaaminta lagu geystay ayaa la sheegay inuu ahaa Suzuki, iyadoo qaar ka mid ah saraakiil hay’adaha amniga dowladda Somalia ay sheegeen inay ka warhayeen gaarigan ismiidaaminta lagu fuliyay, uuna ku dhacay gaari NOAH ah oo uu qof shacab ah watay.

Saraakiisha hay’adaha amniga dowladda ayaa sheegay in gaarigan uu isku qarxiyay waddo ay marayeen ciidamada dowladda iyo gaadiidka shacabka, iyadoo mas’uuliyadda qaraxan ay sheegatay Xarakada Al-shabaab ee Somalia. Iyadoo weerarkan ay ku gubteen baabuur fara badan.

“Ciidamada gaarigan muddo ayay ku daba-jireen, balse isagoo maraya jid qaldan ayuu ku dhacay gaari dad shacab ah ay saarnaayeen, iyadoo afar qof ay ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasoo loo qaaday qaar ka mid ah isbitaallada Muqdisho,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf Cismaan oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, afhayeenka wasaaradda amniga dowladda Somalia ayaa intaas raaciyay inay horay u heleen hay’adaha amniga dowladda macluumaadka ku saabsan baabuurkaas in la doonayay in qarax lagu fuliyo, balse lagu guuleysan waayay in la qabto.

Afhayeenka guud ee Al-shabaab, Sh. Cali Dheere oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay in weerarkan ay fuliyeen ciidamadooda ku sugan Muqdisho, ayna la beegsadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia, isagoo intaas ku daray inay khasaare xooggan gaarsiiyeen.

Ugu dambeyn, shacabka Soomaaliyeed ayuu afhayeenku ka dalbaday inay gacan siiyaan ciidamada amniga dowladda sidii gacanta loogu dhigi lahaa gaadiidka noocan oo kale ah ee la doonayo in dhibaatooyinka ay ku geystaan kooxaha argagaxisada ah.

Si kasta ha ahaatee, ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya khasaarihii ka dhashay weerarkan, marka laga soo tago wararka ay baahisay dowladda, sidoo klaena ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxan ismiidaaminta ah.

 

qrax avisione (1)qrax avisione (2)qrax avisione (3)qrax avisione (4)

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *