Magacyada Labadii Qof Ee Fuliyay Ismiidaamintii Hotel Central Oo La Helay.

Weerarka ayaa waxaa fuliyay Laba qof oo midi ay dumar tahay, halka ruuxa kalane la sheegay inuu ahaa wiil qabay gabadha fulisay Qaraxii labaad, waxeyna labadaan qof ee fuliyay weerarkaasi lagu kala magacaabaa Ismaaciil Muuse iyo Luul Axmed Daahir.

Labada ruux ee weerarka fuliyay ayaa waxaa xaqiijiyay Laamaha ammaanka DF Somalia, waxa ayna sheegen in haweeneyda is qarxisay ay mudo afar bilood ah ka shaqayn jirtay Central Hotel, ka hor intii aynaan weerarkaasi fulin.

Luul Axmed Daahir ayaa la sheegay inay maalintii ku shaqeyn jirtay lacag dhan 5 Dollar, taasoo shaki dhalin karta qof k tagay Holland oo Muqdisho kaga shaqeeya lacag Shan Dollar ah, waloow Hay’adaha Amniga aysan waxaas la socon.

Ismaaciil Muuse Guuleeed oo ahaa ninkii qabay Gabadhaan is qarxisay waxa uu weerarkaasi ku fuliyay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, oo yaalay goob ku dhow Masaajidka, xilli Salaadda Jimcaha ay ku tukanayeen masuuliyiin Dowladda ka tirsan, Saraakiil ciidan, siyaasiyiin iyo weliba dad shacab ah.

Luul Axmed Daahir, ayaa daqiiqado yar uun ka dib is qarxisay, kolkii uu dhacay qaraxii koowaad.

Luul waxay is qarxisay xilli dadkii Masaajidka ku tukanaayay, ay ku kala carareen qaraxii hore, waxa ayna halkaasi ku galaafatay nolosha dad badan.

Ismaaciil Muuse ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda gobalka Awdal ee Somaliland,, waxaana baadi goob xoogan ku hayay Hay’ada Sirdoonka Soomaaliya oo muddo ku daba-jirtay isagoo lagu eedeynayo inuu ahaa ninkii ka dambeeyay qaraxii Hotel Maka Al-Mukarama ee Muqdisho oo muuqaalkiisa Kaamirada CCTV hotelka lagu dhex-arkay isagoo Laptob waxyaabaha qarxa uu ku jiro ku wareejinaayo oo Miis la fadhiyo wiilkii qaraxaasi geystay ee ka yimid Burco oo xukunkii dilka ahaa DFS ku fulisay bilooyin ka hor.

ismacil

ismacil

Si kastaba ha ahaatee, Hoteelkaan ayaa waxaa lahaa Milkiyad ahaan u lahaa Marwada Madaxweyne Siilaanyo Aamina Waris Jirde sida ay Eheladeeda u xaqiijiyeen Warbaahinta, iyadoo labada qof ee qaraxa ka fuliyayna ay kasoo jeedaan Somaliland, waxaana hotelkaan u badnaa oo degi jiray dadka Dowlada Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah u shaqeeya ee kasoo jeeda Somaliland, gaar ahaan R/wasaare K/xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo Wasiirka Dekadaha Nuur Xirsi Faarax, Xildhibaano iyo Masuuliyiintii kale ee dhaawaca iyo dhimashada badankooda kasoo gaaray oo u badnaa Masuuliyiin kasoo wada jeeda Somaliland.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *