Senator Yuusuf Dhagey oo war ka soo saaray xiisadda ka dhalatay DILKII Shaafici maanta

Xiisad ayaa caawa ka taagan magaalada Dhuusamareeb, kadib markii ehellada wiil galabta lagu dilay ay diideen in la aaso meydkiisa.

Wiilka la dilay ayaa caan ka ahaa magaalada waxaana lagu magacaabi jiray Shaafici Xaaji Diiriye, waxaana dilay askari ka tirsan ilaalada Senator Yuusuf Geelle Dhagey oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wiilka la dilay ee Shaafici oo watay gaari yar oo nuuca raaxada ah, ayuu askarigan ka tirsanaa ilaalada Senatorka rasaas ku furay, waxuuna ku geeriyooday isla goobta.

Senator Yuusuf Geelle Dhagey oo ka hadlay dilka wiilkaas uu u geystay askariga ka tirsanaa ilaaladiisa ayaa u tacsi u diray qoyska iyo ehellada marxuumka , isagoo sheegay in hey’adaha ammaanka uu ku wareejiyey ruuxii ka dambeeyey dilkaas, isla markaana cadaaladda la mari doono.

“Alle ha u naxariisto shaafici Xaaji Diiriye oo ku geeriyooday maanta Dhuusamareeb, waxaan kaga tacsiyeeynayaa geerida Marxuumka, qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed,Ugu dambeyn waxaan halkaan ka cadeeynayaa in aan hay’adaha amniga ku wareejiyay falkaa foosha xun cidii u geysatay marxuumka cadaalada loo marsiin doona” ayuu yiri Senator Dhagey.

Allaha u naxariistee Shaafici Xaaji Diiriye ayaa ka tirsanaa jiray ciidankii Ahlu-Sunna Walajamaaca ee gobollada dhexe kula dagaalay Al-Shabaab, haatana waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21aad ee fadhigeedu yahay magaalada Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb tan iyo markii ay ammaankeeda la wareegeen ciidamada dowladda federaalka waxaa ku batay jidadka u xiran mas’uuliyiinta oo aan horay looga aqoon magaalada, sidoo kale waxaa jiray dilal dowr ah oo ay ciidamada dowladdu ka geysteen, wixii ka dambeeyey markii amniga magaalada laga wareejiyey ururkii Ahlu-Sunna Waljamaaca ee la midoobey Galmudug oo maamulayey in ka badan 10 sano.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *