Robert B. Oakley oo geeriyooday oo mar ahaa Safiirkii Mareeykan u Fadhiyay Soomaliya

Diblumaasigii hore ee ku guuleystey inuu ka dhaadhiciyo General Ceydiid inuu sii daayo duuliyihii Marayanka ahaa ee ay gacanta ku dhigeen ururkii USC ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka isagoo 83 sano jir ah.

Oakley oo hore u soo noqday safiirka Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayay wasaarada arrimaha dibada dib ugu yeertay si uu wadaxaajood ula galo General Maxamed Faarax Ceydiid.

Diblumaasigan ayaa waxa uu madax ka ahaa xafiiska la dagaalanka argagaxisada ee wasaarada arrimaha dibada Maraykanka intii u dhexeysay, Sidoo kale waxa uu ka soo noqday safiir dalka Zaire(Congo) intii u dhexeysay 1979-1982 intii u dhexeysay 1979-1982 waxa uu ahaa safiirka Soomaaliya,1988-1991 waxa uu safiirka dowlada Maraykanka ee dalka Pakistan.

Oakley ayaa la sheegay in uu u dhintey xanuuno uu qabay sanadihii la soo dhaafay kaasoo uu ku jirey cudurka Parkinson. Mr. Oakley, ayaa ka soo shaqeeyay wadamo xaalado adag ku jiray kuwaasoo halis ahayd in laga shaqeeyo. Waxa uu si qaas ah ugu taqasusay arrimaha Africa,Bariga Dhexe iyo Koofurta Asia.

Sida lagu daabacay wargeyska caana ah ee Washington Post Oakley ayaa u sheegay General Ceydiid in uu Madaxweynaha Maraykanka uu doonayo in si degdeg ah oo aan shuruud ku xirneyn loo sii daayo duuliyihii dayuuradii la soo riday Durant.

Washington Post.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *