Danjire Nicholas Kay oo Madaxda Somalia ugu baaqay xasilooni siyaasadeed

11-11_2014Somali_Partners

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa mar kale ugu baaqay madaxda Soomaalida inay muujiyaan xasillooni siyaasadeed ka hor shirka Soomaaliya loogu qabanayo magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark.

Danjire Nicholas Kay oo ay wehlinayeen danjiraha Denmark ee Somalia, Geert Aagaard Andersen, wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Afrika, Alex Rondos, ergeyga ururka Midowga Yurub ee Somalia, Michele Cervone d’Urso, danjiraha Talyaaniga, Fabrizio Marcelli, danjiraha Sweden Mikael Lindvall iyo danjiraha boqortooyada Britain, Neil Wigan ayaa shir la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare C/weli Sheekh iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cusmaan Jawaari.

Shirkan ayay uga wadahadleen khilaafka siyaasadeed ee taagan, waxayna ku boorriyeen madaxda Somalia inay xal u helaan khilaafkooda, xalkaasoo u ogolaanayo dowladda federaalka inay taabba-geliso qorshaha aragtida 2016-ka kaasoo loogu talo-galay in isbedelka siyaasadeed looga dhaliyo Somalia ayna qabsoonto doorashada xilliga loogu talo galay.

“Madasha wax-wada-qabsiga heerka sare waxay noqon doontaa fursad aad muhiim u ah oo lagu qiimeyn doono horumarka la sameeyay, isla markaana lagu qorsheyn doono tallaabooyinka xiga ee xagga hirgelinta Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya. Heshiisku wuxuu kulminayaa waxyaabaha mudnaanta u leh dalka kuwaasoo ay isku af-garteen dadka Soomaaliyeed, dowladooda iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Kay.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri. “Wax badan ayaa la qabtay, gaar ahaan iyadoo loo maray dadaalka qorsheysan ee wadajirka u sameeysay dowladda federaalka; laakiin weli waxaa jiro caqabado muuqdo. xasaradaha ka jira Somalia waxay khatar dhab ah ku yihiin in la sameeyo horumar dheeraad ah. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyadu inay si deg-deg ah xal ugu helaan fikir kala duwanaanshahooda si howlaha nabadeynta iyo dowlad-dhisidda dalka ay dib ugu billowdaan loona dar-dar geliyo.”

Shirarkan ayaa kusoo beegmaya dowladda Somalia iyo xaasiibada caalamka ay isku diyaarinayan madasha wax-wada-qabsiga heerka sare ee (HLPF) kaa oo ka dhici doona magaalada Copenhagen ee xarunta Denmark 19-ka illaa 20-ka bishan Novemeber

 

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *