Doorashada Cali Gacal, mala dhihi karaa waxa ay fariin u tahay Damjadiid?

by M.R M. R | Saturday, Jun 27, 2015 | 72 views

Maanta Baarlamaanka Maamulka Galmudug waxaa ay Guddoomiye u doorteen Xildhibaan Cali Gacal Casir oo la tartamay Musharax Urur Diimeedka Dam Jadiid ay soo sharaxdeen oo lagu Magacaabo C/llaahi Maalin Gaafoow.

Xildhibaan Cali Gacal Casir oo Doorashada kadib hadlay ayaa sheegay in uu ku Faraxsan yahay in uu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cusub Ee Maamul Goboleedka Galmudug,iyadoo uu sheegay in Dalka uu u baahan yahay Qof Samata bixiya.

Dadka ka hadla Arrimaha Maamulka Gobolada Dhexe ayaa la sheegay in Dharbaaxo iyo Dhabarjaba ay ku tahay Kooxda Dam Jadiid oo Damcoodu uu ahaa in ay Guddoomiye Baarlamaan ku guuleeystaan si ay Cod ugu helan Doorashada Madaxtinimo.

Xaafado kamid ah Magaalada Cadaado ayaa lagu daadiyay Warqdo ay ku qoran yihiin marabno Baahida Dam Jadiid Muqdisho ayaa Cagabarar looga qaxay Gobolada Dhexe lagama rabo.

Si kastaba Arrintaan ayaa fursad siin karta musharaxiinta kale ee uu ka mid yahay  Axmed macalin Fiqi oo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay isla dhacsan yihiin.

Dhanka kale xareed Cali Xareed ayaa loo doortay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad,iyadoo sidoo kalena la doortay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *