Afhayeenka AMISOM Oo Shaqadii Laga Joojiyay Sabab.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in shaqadii laga joojiyay Afhayeenkii ciidamadaasi Korneel Cali Aadan Xumud. War-saxaafadeedka oo koobnaa ayaan lagu sheegin ulajeedka ka dambeysa shaqo joojinta Afhayeenka.

Dhinaca Kale saxaafada ayaa la hadashay Korneel Cali Aadan Xumud, waxa uu inoo sheegay in aanu ogeyn meel xilka looga qaaday.

“Sida aad u maqsheen ayaan aniguna u maqlay, mahayo war kale oo intaa ka dheer” ayuu kusoo gaabsaday Xumud.

Sidoo kale waxa aynu isku daynay in aynu wacno EloiYao oo ah shaqsi warqadda War-saxaafadeedka lagu soo qoray in uu yahay Afhayeen, hase ahaatee waa uu dansanaa Taleefankiisa.

 

Midowga Afrika waxa uu halkaan ka cadeynayaa in korneel Cali Aadan Xumud aanu ahayn Afhayeenka AMISOM.

Sidaa darteed AMISOM waxay iska fogeyneysaa warbixin kasta oo kasoo baxda Korneel Cali Aadan Xumud, hadii ay dhacdo in uu hadlo, waa ra’yigiisa shaqsiga ah, mana loo arki karo in uu xil u hayo AMISOM.

Wax walba oo ku saabsan AMSIOM  waxaa lagala xiriir karaa  Eloi Yao.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *