Xubno Isugu jiray Siyaasiyiin iyo Waxgarad oo Maanta soo Gaaray Beledweyne

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax ayaa maanta ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne wafdi ka kooban siyaasiyiin, aqoonyahanno, iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Daahir Xassan Cabdi oo horkacaya wafdiga oo HOL u waramay ayaa sheegay in ay  u socdaalka qeyb-galka shirweyne la fillayo inuu ka furmo magaalada Beledweyne, kaa oo jeedadiisu tahay dib-u-hishiisiin iyo dhismaha dowlad gobolleed uu yeesho gobolka Hiiraan.

“Marka aan kuu qeexo ujeedada dhabta ah ee socdaalkeena, marka hore waxaa halkan u nimad ka qeyb-gallka shir dib-u-hishiisiin ah oo la doonayo in ay ku wadda-hadllaan beellaha degan gobolka, waxaana shirkaa ka qeyb-galli doona odayaasha iyo waxgaradka beellaha ku abtirsada  gobolka, si loo dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira ama ay kala tirsanayaan beellaha ku wadda dhaqan gobolka Hiiraan’’ ayuu yiri xildhibaan Daahir Xassan Cabdi.

Xildhibaanka oo dhinaca kale soo hadal qaaday arrimaha federaalka iyo dhismaha maamul gobolleedyada, ayaa sheegay in marka uu soo dhamaado shirka dib-u-hishiisiinta la fillayo in uu gobolka ka furmo shirweyne lagu dhisayo dowlad gobolleed ay ku mideysan yihiin labada gobol ee kala ah Hiiraan iyo Shabeellaha Sare.

“Sidda aad ka war-qabtaan madaxweynihii hore Shariif Sh. Axmed waxaa uu wareegto ku soo saaray  islamarkaana uu saxiixay in gobolka Hiiraan loo qeybiyay labo gobol oo kala ah Hiiraan iyo Shabeellaha Sare,  waxaa la wadda og-yahay in gobolka Hiiraan uu aas-aas ama saldhig u ahaa Jamhuuriyadii Soomaaliya, sidda daraadeed suurtagal ma’aha in bulshada lagu dirqiyo dhismaha maamul aysan raali ka aheyn’’ ayuu y iri xildhibaan Daahir.

Mar uu soo hadal qaaday wararka sheegaya in la dhisayo maamul ama dowlad goboleed ay ku mideysan yihiin labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayuu sheegay in arrintaa aan hadda waqtigeeda la gaarin.

Annaga hadda arrintaa uma socono, waxaan rabaa inaan mar kale kuu sheego waxaa dhismaya dowlad gobolleed ka kooban Hiiraan iyo Shabeellaha Sare, wixii xiligaan ka danbeeya bulshada gobolkan ku dhaqan ee sameysatay dowlad gobolleedka ayaa go’aan ka gaari doonta haddii ay aqbalayaan in ay isku biiraan gobol kale’ ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xildhibaan Daahir ayaa ugu baaqay beellaha wadda dega gobolka in ay mar walba maskaxda ku hayaan ka shaqeynta nabada, loona bahan yahay in meel leyska dhigo wixii khilaafaad ah ee jira.

“Reer Hiiraan waligoodba waxaa lagu yaqaanay dad nabadeed, dad mar walba u hiilaya degenaashaha iyo is-dhax-galka siddaa daraadeed waxaan ka rajeyneynaa in ay taariikhdaas dib u soo celiyaan lagana wada shaqeeyo nabada’’ ayuu yiri xildhibaanka.

Ugu dannbeyntii  Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay mar walba aqbasho rabitaanka iyo doonista bulshada ku dhaqanka gobolka.

Maalmaha soo socda ayaa la fillayaa inay soo gaaraan degmada Beledweyne xildhibaanno, siyaasiyiin, waxgarad iyo odayaal dhaqameed qeyb ka noqon doona shirweynaha la fillayo in uu ka furmo magaalada Beledweyne.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *