Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo xariga ka jaray Isbitaalka loogu magac daray ee Ex Digfeer (Sawirro)

Digfeer (1)Madaxweynaha Turkiga Receo Tayyib Erdogan ayaa si rasmi ah xariga uga jaray Isbitaalkii Diffeer ee ku yaal degmada Hodan, kaasoo loogu magac daray, iyadoo Isbitaalkan ay si casri ah u dhiseen una qalabeeyeen Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in mashaariicda uu Turkiga ugu tala galay Soomaaliya ay tahay mid bilow ah, isla markaana ay sii socon doonto.

Wasiirka Caafimaadka Turkiga Mehmet Müezzinoğlu oo qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in isbitaalo kale ay dib u dhis ku sameyn doonaan, taasoo uu xusay inuu qeyb ka yahay dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay wehliyaan wafdi heer sare ah ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalka loogu magac daray Recep Tayyib Erdogan, waxaana Isbitaalkan uu yahay mid qeybo badan oo dhinaca adeega Caafimaadka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay furitaanka Isbitaalka ayaa sheegay in Isbitaalkan loogu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed, isagoo ga mahad celiyay dowladda Turkiga dhismaha iyo qalabeynta ay ku sameeyeen isbitaalkan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay kaga maarmi doonaan Isbitaalkan inay caafimaad dalka dibadiisa u aadaan, marka loo eego sida casriga ah ee uu u dhisan yahay.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo wafdigiisa ayaa goor dhow loo soo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo ay ku wada qadeyn doonaan isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ay si wada jir ah u qaban doonaan shir jaraa’id, kadib marka u dhaco saxiixyo heshiisyo dhinacyo badan ah oo ay kala saxiixan doonaan Soomaaliya iyo Turkiga.

Digfeer (4)

sawiro (10)

sawiro (9)

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *