Wareegto ka Soo Baxday Dowlada Galmudug oo Lagu Magacabey Gudoomiyaha Waxbarashada Hobyo

Wasaaradda Amniga Dowlada Galmudug oo maanta 80 Askari tababar ugu soo xirtay Degmada Galinsoor kuwaasi oo ka mid naqonaya Ciidamada Booliska Galmudug.

Munaasabadda Tababarka loogu soo xiray askartan ka tirsan Ciidamada Booliska Galmudug oo ka dhacday Saldhigga Ciidamada booliska qaybta Galinsoor waxaa ka qayb galay Wasiirka Amniga Dawlad Goboleedka Galmudug Cismaan Ciise Nuur “Taar dhuleed”,Taliye ku xigeenka ciidmada boliska Galmudug Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Garsoorka iyo Cadaaladda Galmudug Maxamuud Guure Guuleed, Xildhibaanno, Mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Degmooyinka Bandiiradley iyo Galinsoor iyo qaybaha Kala duwan ee bulshada degmooyinkaas.

Ugu Horayn Waxaa Munaasabadda Ka hadlay Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliska Galmudug G/Sare Cabdi jaamac Cabdulle Xabeeb Waxa uuna Sheegay in Tababarka ciidamadada uga Socday Galinssoor uu ku baxay Dadaal iyo Qarash Farabadan loona baahayah in aan la beer darrayn oo laga faa’idaysto

Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda Galmudug Cabdi Rashiid Muuse ibraahim oo munaasabadda Hadal kooban ka jeediyay ayaa Sheegay in Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ballan qaadayso Bixinta Lacag Gaaraysa $193 doolar taas oo Wasiirku sheegay inay iskugu jirto Mushaar iyo Gunno.

Wasiiirka amniga Dawlad Goboleedka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo munaasabadda Soo xiray ayaa umahad Celiyay taliyaha Ciidanka booliska Soomaliyeeed S/Gaas Maxamed Xasan Xaamud oo wajigii hore ee tababarkan ciidanka u soo xiray waxa uu wasiirka amniga Sheegay in Mas’uuliyadda Ciidanka la wareegayso wasaaradda Amniga Dawlad Goboledka Galmudug.

Ciidankan tababarka loo soo xiray oo tiradoodu gaarayso 83 Askri ayaa Muddo 15 cisho ah baranayay shuruucda Amniga ee ciidamada booliska ay ku shaqaynayaan.

taar_dhuleed (1)taar_dhuleed (2)taar_dhuleed (3)taar_dhuleed (4)taar_dhuleed (5)taar_dhuleed (7)taar_dhuleed (8)taar_dhuleed (9)taar_dhuleed (10)taar_dhuleed (11)taar_dhuleed (12)

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *