Shariif Xasan oo magacaabay xubnaha Golaha wasiirada Maamulkiisa iyo Wasiir Gaashaandhig oo ku jira

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ku dhawaaqay 20 Wasiir, kuwaasoo ay ku jiraan Shakhsiyaad caan ah.

Xubnaha la soo magacaabay ayaa waxaa ku jira siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo ahaa Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada iyo Dimoqraadiyada, waxaa kaloo xubno ka ah Golahan Wasiirada Maxamed Nuur Caraale oo horay wasiir uga soo noqday Xukuumadihii KMG ahaa.

Shariif Xasan ayaa xubnaha Wasiirada ee uu magacaabay waxaa ku jira Wasiir Gaashandhig taasoo aan maamul Goboleed shaqo ku lahayn, wixii Gaashandhig ah waxaa iska leh Dowladda dhexe, waana arrin aad loola yaabay.

Hadaba magacyada Wasiirada uu soo magacaabay Shariif Xasan ayaa waxay kala yihiin sidan:-

1- C/fitaax Ibraahim Geesay Waxaa loo magacaabay Wasiirka Amniga
2- Xasan Xuseen Maxamed Waxaa loo magacaabay Wasiirka Hub ka Dhista, Dhaqan Celinta iyo Tababarida Maleeshiyaadka
3- Saalim Xaaji Xasan Cismaan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Batroolka iyo Tamarta,
4- C/qaadir Shariif Sheekhunaa Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda
5- Cabdinaasir Cabdi Caruush Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga
6- Isaaq Cali Subug Waxaa loo magacaabay Wasiirka Caafimaadka
7- Saadaad Maxamed Nuur Cali Caliyow Waxaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta
8- Xasan Ibraahim Xasan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Hiddaha, Tacliinta Sare iyo Ticnoolijiyadda
9- Xasan Cabdi Maxamed Waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinra Bulshada
10- Maxamed Cumar Zeytuun Waxaa loo magacaabay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta
11- C/laahi Cabdi Cumar Fanax Waxaa loo magacaabay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
12- Aadan Xasan Maxamed “Usama” Waxaa loo magacaabay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha
13- C/laahi Sheekh Xasan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha
14- Axmed Nuur Sheekh Maxamed Luxus Waxaa loo magacaabay Wasiirka Dib u dejinta iyo Xiriirka Jaaliyaddaha
15- C/qaadir Nuur Caraale Waxaa loo magacaabay Wasiirka Dib u Heshiisiinta iyo Arrimaha Dastuurka
16- C/laahi Muuse Abuukar Waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gargaarka iyo Daryeelka Naafada
17- Cumar Aadan Xasan “Cumar Dheere” Waxaa loo magacaabay Wasiirka Dalxiiska iyo Duurjoogta
18- Macalin Maxamuud Maxamed “Macalin Jiis” Waxaa loo magacaabay Wasiirka Deegaanka iyo Daaqa
19- Axmed Maxamed Barre Waxaa loo magacaabay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
20- Jeylaani Sheekh Maxamed Xasan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha

Shariif Xasan ayaa la filayaa inuu soo magacaabo wasiir kuxigeenada maamulka, waxaana uu noqonayaa Maamulka ugu wasiirada badan Maamul goboleedyada dalka ka jira.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *