Shirkii Dhismaha Maamulka Gobollada Dhexe oo loo Weeciyay Dhuuso-Mareeb

War-murtiyeed ay ka soo saareen Magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud, guddiga Marjaca iyo guddoonka golaha duubabka beelaha Galguduud iyo Mudug ayaa lagu shaaciyay in shirka dhismaha maamulka loo sameynayo gobollada dhexe ee Somalia oo lagu waday inuu ka furmo degmada Cadaado loo weeciyay dhinaca degmada Dhuuso-mareeb.

Guddigan ayaa war-murtiyeedkooda ku sheegay in iyagoo tixgeinaya waxay ugu yeereen rabitaanka beelaha gobollada dhexe ay go’aansadeen in shirka lagu qabto Dhuuso-mareeb; lana bedelay in Cadaado la geeyo.

“Markaan waxyaabo badan tixgelnnay, markaan eegnay rabitaanka shacabka iyo beelaha ku nool gobollada iyo ergooyinkii ka qaybgalay shirka dib u heshiisinta ee lagu qabtay Dhuuso-mareeb, waxaan go’aannsanay in shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe uu ka furmo Cadaado 25-ka bishan Maarso,” ayaa lagu yiri warbixinta ay guddigu soo saareen.

War-murtiyeedkan ayaa waxaa ku saxiixnaa sagaal oday dhaqmeed oo ah guddiga marjaca iyo guddoonka golaha duubabka beelaha Galguduud iyo Mudug

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *