Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Dowladda Hoose ee Muqdisho oo xalay la dilay

Kooxo bastoolado ku hubeysanaa ayaa xalay ku dilay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, Inj. C/llaahi Cali Canshuur oo ka mid ahaa shaqaalaha dowlada Hoose ee Muqdisho, iyagoo ku baxday gaarigii uu watay.

Dableydan ayaa marxuumka dilay isagoo watay gaarigiisa, waxaana wararku ay sheegayaan in marxuumka lagu dilay xaafadda Zone K oo xaafadaha ku cusub degmada Hodan ee Muqdisho ka mid ah.

Marxuum Canshuur ayaa waxaa u dhaxday Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo loo yaqaan (Xaliimo Yarey) kana mid ah haweenka Soomaaliyeed ee sida aadka ah ugu dooda xuquuqda dumarka Soomaaliyeed.

Xaliima Yarey ayaa ka mid ahayd wafdiga ururrada bulshada rayidka ah ee ka qaybgalaya shirka lagu qabanayo Denmark, iyadoo aanay toogashda loo geystay sarkaalkan ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir aanay ka hadlin hay’adaha amniga dowladda.

Sidoo kale, lama oga kooxaha dilkiisa geystay, inkastoo goobjoogayaal ku sugan xaafadda uu dilku ka dhacay ay HOL u sheegeen in laba ruux oo ku hubeysnaa bastoolado ay toogteen, kaddibna ay gaarigiisii ku baxsadeen.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Muungaab ayaa tacsi u diray eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuumka, isagoo dilkiisa ku tilmaamay mid fool xun oo aan loo dulqaadan karin.

Dhanka kale, Muun-gaab ayaa ciidamada amniga ka dalbaday inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii falka dilka ah geystay, iyadoo falkan uu imaanayo xilli ay magaalada Muqdisho dhawaanahan ka dhacayeen dilal qorsheysan oo ay geysanayaan rag hubeysan.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa Soomaalida dibadaha kasoo laabtay, isagoo in muddo ah ku noolaa Mareykanka, wuxuuna howlo dib u dhis ah iyo dayactir isugu jira ku sameeyay xarumo kala duwan oo ku yaal Muqdisho.

 

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *