Madaxweynaha Galmudug oo xariga ka jaray Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare Ducaale Kaahiye ee ku yaala Magaalada Hobyo

Sabti,21,2020 (Mudugpost): Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xariga ka jaray dugsiga hoose/dhexe iyo sare ee Ducaale Kaahiye oo laga hirgaliyey magaala Hobyo. Dugsiga cusub ee Ducaale Kaahiye oo ay dhiseen Jaaliyadda reer Galmudug ee degan dibada iyo gudaha . Dugsigaan oo ka kooban mid dhexe , mid sare iyo Qeeyb loogu tala galay in lagu dhigu Xirfadaha gacanta . Dugsigaan ayaa waxaa ka faaiideeysan doona bulshada degan Deegaanka Hobyo .

Madaxweynaha ayaa waxaa xafladda ku wehliyay qaar ka mid ah golaha wasiirada Galmudug gaar ahaanna Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare. Madaxweeynaha ayaa ku tilmaamay furitaanka Dugsigaan Horumar la taaban karo.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa indha indheyn ku maray qeybo ka mid ah degmada Hobyo iyo xaruumaha qadiimiga ee magaalada caanka ku tahay. Inj, Mohamud Dualle Kaahiye , ahna Wakiilka Jaaliyada Galmudug oo ka mid ahaa dadka sida aadka ugu ololeeya in qof kasta oo ku nool Galmudug State uu helo Waxbarasho aas-aasi ah ayaa ku tilmaamay Xafladaan furitaanka mid guul wadata , wuxuuna kula dardaarmay Jaaliyada Galmudug ee degan Qurbaha in eey ka qeeybqaataan Horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka .

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *