Madaxweeyne Xasan Shiikh oo Booqasho ku tegay Kismaayo

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo uu kaga qeyb galayo xaflad lagu sagootinayo Ciidamada Seirra Leone oo qeyb ka ahaa howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa horay u sii raacay xildhibaano, saraakiil, odayaal dhaqameedyo iyo siyaasiyiin, waxaana haatan ay ka qeyb galayaan xaflad lagu sagooyinayo Ciidamada Seirra Leone oo dib ugu laabanaya dalkooda.

Ciidamada Seirra Leone ee ka baxaya Soomaaliya ayaa sababta dalkooda ay dib ugu laabanayaan ay tahay, kadib markii la waayay ciidamadii bedeli lahaa, maadaama uu dalkooda ka dilaacay cudurka Ebola.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u rajeeyay ciidamadan ka tagaya Soomaaliya inay si nabad ah dalkooda ku tagaan, waxaana uu ku ammaanay kaalintii ay ka qaateen howl galka AMISOM intii ay ku sugnaayeen Gobolada Jubooyinka.

Ciidamada Seirra Leone ayaa ku sugnaa magaalada Kismaayo iyo deegaano ka tirsan Jubooyinka, waxaana ay wehliyeen ciidamada Kenya oo dhamaadkii sanadkii 2011 soo galay soo galay Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa horay u sheegay in aanay dalka imaan karin ciidamada Seirra leone, kadib markii dalkooda uu ka dilaacay cudurka Ebola, kaasoo kumanaan qof h dilay.

Ciidamo ka socday Seirra Leone oo bedel u ahaa ciidamada ku sugnaa Jubooyinka ayaa mid ka mid ah ciidankaas laga helay cudurka Ebola, taasoo keentay in ciidamadaas la baajiyo, waxaana ciidanka ku sugnaa Soomaaliya aanay muddo sanad ka badan ay ahaayeen kuwo aan la bedelin, maadaama laga cabsi qabay hadii la bedelo in cudurka Ebola uu ku soo faafo Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa la sheegay inuu raadinayo ciidamadii lagu bedeli lahaa ciidanka Seirra Leone oo wixii hada ka dambeeya si rasmi ah isaga baxaya Soomaaliya.

Waa ciidamadii u horeysay ee ka tirsan AMISOM oo ka baxa Soomaaliya, tan iyo markii Midowga Afrika uu bilaabay in ciidamo nabad ilaalin u soo diro Soomaaliya sanadkii 2007-dii, waxaana haatan ku sugan Soomaaliya ciidamo ka socda dalalka Uganda, Brundi, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *