Soomaalidu waa beelo wadadhashay, wada deggan ama daris ah

Soomaalidu waa beelo wadadhashay, wada deggan ama daris ah. Marka ay awood qaybsi dawladeed, qaaraan ururin ama mag dhiibid timaadna sida ay isu xigaan (dhalasho ama degaan) ama u xuguntamaan (qaaraan iyo qaan) ayey wax ku qaybsadaan.

Xil qabashada u sarraysa dalka iyo kan ugu hooseyaba waxa lagu helo aqoon ka sokow, waxay tahay beesha aad u/ku dhalatay, sida ay u qaybsadaan xilalka, haddana, waayadan dambe waxaa soo baxay, dad damac waalli ah uu wado, oo iimaanka deeqeed dhan iska dhigay.

Waxaa la yiraa; hunguri wax ka weyn waa dillaacshaan! Si la mid ah; beesha isku rabta xilka federaal, kan goboleed, kan degmo iyo kuwo kalaba waxay caddaysatay hunguri weynankeeda, oo bannaanka keenay sarriig la’aantooda; wax walba anay igu fiican yihiin. Wax dhici kara ama la aqbali karo midna ma ahan.

Geedo Qorow, sida naynaastiisa ka muuqata geedo qore waaye, oo mar farsamo loo fiirin karo, mar kale gacan adayg iyo baqiilnimo loo fasiri karo, oo ay u bannaan tahay, in hantidiisa ama tan reerkiisa uu u gacan qoryeysto, sida uu doonana ka yeelo, balse, wax noo cuntama ma ahan, in uu jago walba oo Caasimadii isku jimeeyo: xil walba aniga/anaga see naga yahay!

Qaybtinta Geedo Qorow sidii loo magacaabay, waxay caddayn u tahay, heerka garaadkiisa iyo gacalnimo, oo aan filayo, in ay dad badan oo madaxnimo sheegaynaya dhaqan iyo siyaasadba ay la qabaan, markaa baan soo xusuustay gabaygii abwaankii weynaa; Kulan Xasan Jurun, oo qoys gacan ugu gabyey:

“Cishiriin haloodoo dhashoon, caano laga waayin
Oo ubadka ciiddaas ka badan, celiya yeerayso.
Oo aan cid guri loo lisayn, canugna dhawraynin.
Oo meel sarmaan iyo cagaar, caasha loo geliyay.
Oo cawaysinkii looga dhigay, goor cawo idlaatay.
Oo gabey ciraab lihi ku qaday, caawa ka hor maarag
I ceebayde ee reer Cabdoow, ‘Idinna cayrtooba!’

Hadda, sida abwaan Kulan gabay AWEYTIN ah u ma marinayo Geedo Qorow, ee xilalka aad ka qadisay walaalkaa, ee aad haddana u quurtay shisheeye, waxaan kaa leeyahay:

“Xilka dawlo coodkaa ma ahan, iyo ari cadkaagiiye
Keli-cunid rag wuu kugu nacaa, labo cantuugayne
Caqli yeelo, oo curad ha qadin, ciiddu kaa badane
Is ceebayde, ee Geed Qoroow, ciil namaad badine!”

Soonqaadsan.

Qalinkii  Aqoonyahan Abdihafiid M. Wasiirka

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *