Madaxweeynaha Garabka Doowlada Federaalka , Mudane Axmed Cabdi Kaariye-Qoor-Qoor ayaa maanta ka baxay magaalada Dhuusamreeb

Madaxweeynaha Garabka Doowlada Federaalka , Mudane Axmed Cabdi Kaariye-Qoor-Qoor ayaa maanta ka baxay magaalada Dhuusamreeb . Waa markii ugu horeeysay ee Mudane Axmed Cabdi Qoor-Qoor uga baxo Banaanka Magaalada Dhuusamreeb. Mudane Axmed Cabdi -Qoor-Qoor ayaa ka dhamaan waayay Magaalada Dhuusamareeb oo taariikh ahaan leh kelmada nin dhuusamareeb galay waa “ Baabuur bacaad galay” .

Safarka  Mudane Axmed Cabdi kaariye -Qoor-Qoor ayaa la socday siyaasiin rug cadaay ah , waxa taasi muujinaa in Mudane Qoor-Qoor uu wax ka bedelay siyaasadiisa.

Dad deegaanka ku nool , kana soo jeeda magaalooyinka waaweeyn ee Galmudug ayaa ku  eedeeyay in Qoor-Qoor u ekaaday  nin ka ah Gudoomiye  Degmada Dhuusamreeb iyo in Qoor-Qoor u dabcay kooxo huwan Magacyo diimeed , kuwaas oo ujeedu tahay in Qoor-Qoor magaciisa baabiyaan.

 Sida dadka deegaanku sheegeen Kooxahaas  ayaa degan Waqooyiga America kulana soo xariira Axmed Cabdi Kaariye – Qoor-Qoor xaga Conference Koolka.

Waxaana looga digay Axmed Cabdi – Qoor-Qoor in uu ka feejignaado Kooxahaas xag jirka ah balse dad ku dhow Mudane Qoor-Qoor ayaa taa beeniyay waxa eeyna sheegeen in Madaxweeynu uu aad uga feejigan yahay  kooxahaas ku nool Qurbaha

Rag siyaasadaha ka faalooda ayaa tilmaamay in Qoor-Qoor uu hada go’aansaday in safaro ku tago magaalooyinka sida Guriceel, Cadaado, Hobyo   Malable  iyo weliba uu la fariisto Hogaamiyaha/Madaxweeynaha sharciga ah ee Axmed Ducaale -Xaaf oo xarun ka sameeystay Magaalada Windy City( Gaalkacyo).

Siyaasi dhanbaal ku qoray Isha-wararka ,ayaa sheegay in Mudane Axmed Cabdi Kaariye uu la yimid isbedel xoogan kuna muujinaayo in uu kasbado  shacabka Galmudug State ee degan labada Goboll (MUDUG iyo GALGADUUD) kana fogaado kuwa ka shaqeeynaya Xagjirnimda iyo kala fogeeynta Magaalooyinka waaweeyn ee Galmudug …. .Mudugpost.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *