Daawo Sawirada soo dhoweeyn aan Caadi ahayn oo loo samayay Madaxweynaha Putland Gaas

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ahna xarun ganacsiyeedka Puntland.

Soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo waxaa  ka qeyb qaatay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland, Maamulka Gobolka Barri, Maamulka Degmada Boosaaso, Hogaanka dhaqanka iyo qaybaha kale ee Bulshada , kuwaasi oo diyaar garoow xoogan ugu jiray soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdiga la socda oo ka soo kictimay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Kar-kaar.

Haween iyo dhalinyaro ku labisanaa Calanka Puntland iyo kan soomaaliya ayaa iyana qeyb ka ahaa soo dhaweynta waxana uu madaxweynuhu gacan qaaday dhammaan dadkii ka qeyb qaadanayey soo dhaweynta loo sameeyey.

Intaas ka dib ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas warbaahinta kula hadlay Madaxtooyada dawladda Puntland ee Boosaaso waxana uu sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo u kuurgelida xaaladdaa Nabadgelyo iyo howlaha shaqo ee dawladda ee ka socda Magaalada Boosaaso iyo sidookale xog waraysi uu la qaadanayo mudada uu joogo bulshada iyo waxgaradka ku dhaqan Gobolka Bari.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *