Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Difaaca oo Gaaray Degmada Caabudwaaq

Wasiirka difaaca Soomaaliya, C/qaadir Sh. Cali Diini iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Caabud-waaq oo ka tirsana degmooyinka gobolka Galgaduud, iyadoo wafdiga ay ka mid yihiin; wasiir ku xigeenka dastuurka, La-taliyaha dhinaca Siyaasadda ee wasaaradda gaashaandhiga, xildhibaanno kasoo jeeda deegaanka, waxgarad iyo siyaasiyiin, iyadoo socdaalka ujeedadiisa lagu sheegay wada-tashi dadka deegaanka lagala yeelanayo nabad kusoo badaallida dalka iyo sidii loo raadin lahaa dowladnimada Somalia.

Wafdigan ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay degmada Caabudwaaq mas’uuliyiinta degmada iyo qaybaha bulshada. iyadoo soo dhaweynta kadib ay kulan la qaateen bulshada degmadaas ku nool.

Guddoomiyaha Caabudwaaq, C/risaaq Xasan Cowl oo ka hadlay kulanka soo-dhawaynta ayaa wafdiga uga mahad-celiyay booqashada uu kusoo gaareen Caabudwaaq.

”Waan ku faraxsanahay mudane wasiir booqashada aad adiga wafdigaaga ku soo gaarteen maanta degmada. Waxaan filaynaa inta aad nala joogtaan in aad wax badan ka ogaan doontaan xaaladda degamada oo runtii ay ka jiraan baahiyo kala duwan oo u baahan in wax laga qabto,” ayuu yiri gudoomiyaha degmada.

Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini hadal ka jeediyay goobta ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo maamulka Caabudwaq soo-dhaweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna ballan-qaaday in dowladdu ay wax badan ka qaban doonto baahiyaha degmada.

“Dawladda Soomaaliya waxay mar walba dhiirri-gelinaysaa shacabkeedu in ay door ku yeeshaan dhismaha dowladnimada; isla markaana ay dowladdu u fududeyneyso inay sameystaan maamullo ku dhisma hab-raaca dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka. Waxaan wada-tashi ka yeelan doonnaa wax walba oo horumar keeni kara; sida dhismaha maamullada, ciidan Qaran iyo baahida kala duwan ee deegaanka ka jirta” ayuu yiri Jen. Diini.

Ugu dambeyn, wafdiga ayaa ku sugnaan doona Caabudwaaq maalmaha soo socda, waxayna kulammo kala duwan la yeelan doonaan qaybaha shacabka si loo dhageysto aragtida siyaasiyiin, wax-garadka iyo shacabkaba.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *