Liiska Wasiirada Cusub “Magacyada Iyo Qabiilada eey ka soo jeedaan”

Shabakada Xogta.com ayaa heshay liiska Golaha Wasiirada ee uu diyaariyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo loo gudbiyay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Liiskan oo lagu magacaabay inta badan xubnaha Golaha wasiirada ayaa waxaa Ra’iisal wasaaraha gudoonsiiyay La-taliyaha Madaxweynaha  C/kariin Xuseen Guuleed iyo Agaasimaha Madaxtooyada Cali Balcad habeenii Talaadadii tagtay.

Xubnahan ka maqan liiska madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ra’iisal wasaaruhu buuxin doono iyadoo liiskaasi madaxweynaha soo magacaabay uu noqon doono kan rasmiga ah ee asaaska looga dhigayo golaha wasiirada cusub ee xukuumadda uu soo dhisi doono Cumar C/rashiid Cali.

Xubnaha Golaha wasiirada ee madaxweynaha magacaabay, loona gudbiyay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid waxay kala yihiin:

LIISKA-MAGACYADA

Magacyadan sida loogu kala qoray wasaaradaha xukuumada iyo magacyada maqan ayaan fileynaa inaan dhowaan helno Insha Allah.

 

Sources: Xogta Media

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *