Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulamo gaar gaar ah la kala yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Italy

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo booqasho ku jooga maalintii labaad Magaalada Rome ee Caasimadda Italy , halkaasi oo uu kaga qeyb galayo Shir looga hadlayo tahriibka iyo socdaalka sharci darada ah oo Midowga Yurub uu qaban-qaabiyay ayaa waxa uu kulamo kala gaar gaar ah la kala yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Italy iyo Germany .

Wasiir Dr. Abdirahman D. Beileh , ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga H.E. Paolo Gentiloni

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa kala hadlay wasiiraka kordhinta deeqaha horumarinta ah iyo tababaridda ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Wasiir Beileh ayaa la qorsheynayaa mudada uu joogo Magaalada Rome inuu la kulmo mas’uuliyiin kala duwan oo uu kala hadli doono arrimo la xiriira Soomaaliya .

 

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *