Cabdisamad Nuur Guuleed Oo Ku Dhawaaqay In Uu Yahay Murashax Madaxweeyne

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo Ku Dhawaaqay In uu Yahay Musharax Madaxweynenimo Gobolada Dhexe

Munaasabad maanta ka dhacday magaalada Gaalkacayo, ayna kana soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa ka hadlay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cabdisamad Nuur Guuleed, wuxuuna sheegey in uu yahay musharax madaxweynaha maamul goboleedka gobolada dhexe ee dhisidiisa hada lagu guda jiro.

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay munaasabadda ayaa ka sheekeeyey in Cabdisamad uu soo shaqeeyey xiliyadii ugu adkaa, una qalmo in uu qabto xilkaasi.

Musharaxa Cusub ayaa sameeyey balanqaadyo in uu waxyaabo badan oo adeegyada bulshada ah wax ka qaban doono

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *