Yurub iyo Mareykanka oo ka sii niyad-jabaya dowladda madaxweyne Xasan Sheekh
In kasta oo balaayiin doollar oo taageero caalami ah la siiyey, haddana ciidanka Soomaaliya ayaa ku fashilmay wajihidda weerarro isdaba-joog ah oo bilooyin socday oo ay soo qaadeen kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaeda, waxaana sii yaraanaya samirka deeq-bixiyeyaasha, sida ay qortay wakaaladda wararka AFP. Iyagoo adeegsanaya boqollaal dagaalyahan iyo gaari walxaha qarxa laga soo…