MUQDISHO — Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay galeen heegan buuxa, iyagoo diyaariyay gaadiid iyo shaqaale ku filan si ay uga jawaabaan xaalad kasta oo degdeg ah oo dhici karta, xilli magaalada Muqdisho ay isu diyaarineyso doorashada la filayo inay dhacdo maalinta berri ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Xamar ay si buuxda u diyaarisay gaadiidka dab-damiska, ambalaasyada iyo shaqaale tababaran oo shaqeyn doona 24 saac maalintii, si loo xaqiijiyo badqabka iyo badbaadada shacabka caasimadda ee ka qaybqaadanaya doorashada.
“Waxaan hubinnay in dhammaan adeegyadii gurmadka degdegga ah ay diyaar u yihiin ka jawaabista xaalad kasta oo lama filaan ah, si shacabka Muqdisho ay u gutaan waajibaadkooda doorasho iyagoo ammaan ah,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Sidoo kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale xasuusiyay muwaadiniinta lambarka gaaban ee 991, kaas oo ay si degdeg ah ula xiriiri karaan marka ay u baahdaan gargaar degdeg ah, sida dab-damis, ambalaas ama adeegyo kale oo lama huraan ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Hoose ay mar walba u taagan tahay adeegga iyo daryeelka shacabkeeda, isaga oo ugu baaqay bulshada ku nool magaalada Muqdisho inay si nabad ah oo mas’uuliyad leh uga qaybqaataan doorashada la filayo inay maalinta berri ah ka dhacdo caasimadda.
Kulankan lagu shaaciyay heegankan ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiye ku-xigeennada Amniga iyo Siyaasadda, Hawlaha Guud, Agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar


