Damul Jadiid Iyo Aala Sheekh Oo Ku Dagaalamaya Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe “WAX BADAN OGOOW

Dadaalka loogu jiro in Maamul loogu sameeyo Gobolada Dhexe ee Soomaali waxaa barbar socda dagaal Siyaasadeed oo u dhaxeeya kooxo diimeedka Damul Jadiid iyo ‘Aala Sheekh oo sanadihii ugu dambeeyay ku loolamayay hogaanka siyaasadda dalka.

Maalintii shalay markii la dooranayay Guddiga farsamada maamul u sameynta Gobolada dhexe ayaa labada urur waxay ku dagaalameen sidii mid walba xubno ugu yeelan lahaa, xataa dagaalka waxaa uu gaaray in lacag loo adeegsado.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Gobolada dhexe ayaa shalay loo doortay Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yareey” Guddoomiye ku-xigeen waxa ay u doorteen Maxamed Xaashi halka xoghayaha Guddiga ay u doorteen Axmed Dubad Cali iyo Cumar Cali Rooble oo ay u doorteen Afhayeen.

Laakiin intii aan doorashada dhicin waxaa la adeegsaday hab iyo farsamooyin labada koox Damul Jadiid iyo Aala Sheekh mid kasta ku doonayay inuu xubno adag ku yeesho guddiga.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Aala Sheekh oo ka soo jeeda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed looga adkaaday xubnaha guddiga, waxaana shaqeysay awooda kooxda Damul Jadiid oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ka tirsan.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *