DEG DEG: Cali Gacal Casir Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa loo doortay Cali Gacal Casir oo ka mid ahaa saddex musharax oo u tartamaysa Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.Cali Gacal Casir ayaa helay codad gaaraya 48 cod, sidaasi ayeey Guddiga doorashada ugu dhawaaqeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug uu yahay Cali Gacal Casir.

Wareegii labaad doorashada oo Cali Gacal ku soo baxay ayaa waxa ay wada tartamayeen Musharax C/laahi Maalin Gaafoow “Aasparo” oo helay dhankiisa 36 cod sida Guddiga ay sheegeen.

Natiijada markii lagu dhawaaqay ayaa hoolka doorashada ay ka dhaceysay ee Magaalada Cadaado, wuxuu noqday mid sacab iyo buuq hareeyo oo Guddoonka cusub lasoo dhaweeyay.

Waxaa haray doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *