Xog: C/qaasim Salaad & Nuur Cadde oo ka hadlay shirka IGAD ee MUQDISHO

C/qaasim Salaad Xasan, madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd ayaa ka hadlay shirka maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeyb galayaan wasiirada arimaha dibada ee IGAD.

Isagoo la hadlay warbaahinta dowlada ayuu sheegay C/qaasim Salaad Xasan, in wax weyn ay tahay shirka maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, wuxuuna hambalyo u diray dowlada Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu waa cusub oo Soomaaliya u baryay ku tilmaamay horumarka dhanka amaanka iyo qorshaha dhismaha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya, isagoo ummada Soomaaliyeed ugu baaqay inay midnimo muujiyaan.

Dhanka kale ra’iisul wasaarihii hore Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde ayaa ka hadlay shirka maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeyb galayaan wadamada Urur goboleedka IGAD.

Wuxuu sheegay in farxad darteed ay ku adkaaneyso inuu wax badan ka sheego shirka maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in taasi ay calaamad u tahay horumarka dhanka amaanka ee Muqdisho laga sameeyay.

Wuxuu sheegay in qabsoomida shirkaasi ay gacan weyn ka geysteen madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo guul usoo hoyatay Soomaalida uu ku tilmaamay shirka oo muddo 28 sano kadib ka furmaya Muqdisho.

“Xaqiiqdii Waxaan rabaa in aan halkaan Hambalyo iyo Bogaadin uga diro Dowladda Soomaaliya iyo shacabka intaba waxaa ay Juhdi dheeraad ah galiyeen sidii Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho loogu qaban lahaa Shirar Caalami ah”

“Waan ku amaanayaa Runtii iskama imaan Fursadani Waxaana kaloo halkaa amana aan la soo kabai karin uga dirayaa Ciidanka Amaanka Somalia oo la.aantood aan waxba suura galeen halkiina ka sii wada Dadaalkaas”ayuu yiri Nuur Xasan Xuseen {Nuur Cadde}.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *