Magacyada Wasiirada Beesha Habar-Gidir U Matalaya Xukuumada Cusub

wasiiro_habar

Kooxda Damaamul jadiid ee uu hogaamiyo Madaxweeyne Xasan Shiikh  ayaa qorsheeysay in Beelaha Habar-Gidir iyo Duduble la siiyo  Laba Wasiir, Laba Wasiir ku xigeen iyo Wasiiru Dowle ka mid ah xukuumadda cusub, sida aan xog ku helnay.

Labada Wasiir waxaa loo kala magacaabi doonaa Cabdikariim Xuseen Guuleed oo beesha Sacad Habargidir u dhashay iyo Xasan Maxamed Jimcaale oo beesha Duduble kasoo jeeda.

Wasiiru Dowlaha waxaa la qorsheeyey in loo magacaabo nin lagu magacaabo Abtidoon Koofi Shabaq oo u dhashay beesha Saleebaan Habargidir, halka Labada Wasiir ku xigeen loo kala magacaabi doono Mahad Maxamed Salaad oo Ceyr Habargidir u dhashay iyo Xersi Adam Rooble oo Saruur Habargidir ah.

Si kastaba ha ahaatee, Golahaan Wasiiradda waxeey meesha ka saareen rajadii Yusuf Garaad Cumar ka qabay in xil Wasiir ama Wasiir ku xigeen uu ka helo golaha cusub, inkasta oo uu maalmihii dhowaa uu aad ugu dhowaa madaxweyne Xasan Sheekh.  Ragaan loo magacaabayo xilka ayaan  aheeyn rag xeeldheerayaal sida Yusug Garaad oo nin qabiir ah aqoontiisuna u faaiideeyn laheeyd doowlada iyo Maamul gaboleedka looga dhawaaqi doono Gobolka galgaduud iyo Mudug.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *