Zohran Mamdani ayaa ku guuleystay doorashada duqa magaalada New York, sida uu sheegay Decision Desk HQ, taasoo bilow u ah xilli cusub oo siyaasad horumarineed ah magaalada isla markaana dib u soo celisay doodda ku saabsan mustaqbalka Xisbiga Dimuqraadiga.
Mamdani, oo 34 jir ah, ahna dimuqraadiyad sooshiyaali ah, ayaa noqonaya duqa ugu horreeya ee jiilka millennial-ka iyo Muslimkii ugu horreeyay ee hogaamiya magaalada New York, kadib olole si lama filaan ah ugu guuleystay mucaarad culus. Wuxuu garaacay Andrew Cuomo, oo horey u ahaan jiray guddoomiyaha gobolka New York, kaas oo ku tartamay si madax-bannaan ka dib markii uu ku guuldareystay tartankii hordhaca ahaa ee Dimuqraadiga, iyo Curtis Sliwa oo ka socday xisbiga Jamhuuriga, si uu ugu beddelo duqa magaalada Eric Adams.
Mamdani wuxuu xooga saaray arrimaha la xiriira in shacabku awoodi karo in eey heleen waxa eey u baahan yihiin isagoo ballan qaaday inuu hakiyo kororka kirada, inuu sameeyo dukaamo raashin oo dawladda hoose leedahay, iyo inuu basaska ka dhigo bilaash dadka isticmaala. Si dhaqso ah ayuu u noqday astaan u taagan siyaasadda horumarka, hase yeeshee wuxuu sidoo kale noqday qof muran badan dhaliyay oo kala qaybiyay madaxda sare ee Dimuqraadiga New York iyadoo la isku hayay in la taageero iyo in kale.
Mid ka mid ah qodobadii ugu weynaa ee muranka dhaliyay doorashada ayaa ahaa mowqifkiisa ku saabsan colaadda u dhexeysa Israel iyo Xamaas.
